Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waa maxay Eosinophilic Esophagitis?
(1/1)
Habil Osman:
Asc Dhakhaatirteena had hooshaad noo haysaan Allaha Idinka abaal marityo oo ajirkeeda hela InshaAllah.
Waxaan suashan ah waa Maxay xanuunka EOSINOPHILIC ESOPHAGITIS ama EOE ???
SomaliDoc:
EOSINOPHILIC ESOPHAGITIS waa nuuc ka mid ah Allarjiga kaasoo ku dhaco tubada hunguri mareenka, wuxuu qofka dareemaa culeys wax liqidda ah, cuntada inay isku xiraysid, matag iyo laabjeex, waa cillad ku badan caruurta laakiin dadka waawayne waa lagu arkaa.
Aqoon badan looma laha qaabka uu xanuunkaan u yimaado laakin waxaa la aaminsan yahay inay ka dhalato cunnooyinka la cuno qaarkood oo Allergy laga qaado.
Xanuunkaan waxaa lagu ogaan karaa baaritaanka kaamirada leh oo dhuunta loo dhaadhiciyo "endoscopy", daaweyntuna waa in allarjiga la yareeyo, cunnada kicin kartane in laga fogaado.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version