Author Topic: Su'aal: Xaaskayga farjiga hadaan u leefo ka waran?  (Read 7105 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kamaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 30
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xaaskayga farjiga hadaan u leefo ka waran?
« on: June 18, 2018, 05:12:02 AM »
Asc dr waxan qabaa suaal wadna ku mahadsantihiin sida aad dadka ugu soo jawaabtan dhaqso

Dr suaashayda maanta waxay tahay xaaskayga hadii aan u leefo xubinta taranka wax caafimaad daro ah ma iso waji karaan

Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xaaskayga farjiga hadaan u leefo ka waran?
« Reply #1 on: January 05, 2019, 12:18:18 AM »
Anigoo ka eegayo dhinaca caafimaadka, afka oo lala galo xubinta taranka uma roono caafimaadka waxaane laga qaadi kartaa cudurro dhowr ah sida herbeska "Herpes", isfiilitada "Syphils", Jabtida "Gonorrhea", caabuqa kalamiidiyaha "Chlamydia" iyo roqorta HPV kaasoo keeni kara kansarka ku dhaca dhuunta sida ay sheegtay jamciyadda kansarka ee maraykanka.

Sidoo kale cilmibaarayaashu waxay sheegeen in qaabkaan lagu kala qaadi karo xanuunka HIV-ga inkastoo ay jaaniska in laga qaado uu badan yahay haddii qofka loo leefayo uu xanuunka qabo, laakiin qofka samaynayo hadduu isaga HIV qabo in aan laga qaadin ay dhici karto.!

Waxaa intaa sii dheer in lagu kala qaadi karo xanuunada ay keenaan gooryaannada maadaama meeshaasi ka agdhaw dahay qeybta saxarada taasoo si sahlan ugu gudbi karto ugxanta il-ma-aragtada ah ee gooryaanka iyo jeermisyada kale ee caloosha ku dhaca.

Akhriso qoraallo ku saabsan xanuunadaan kore:

HIV: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0
Jabtida: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0
Chlamydia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0
Herpes: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7993.0
Isfiilitda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Hadaan qabo Xanuunka Qoor Xanuunka?

Started by CadaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8119
Last post December 26, 2018, 09:42:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41592
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22373
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 6343
Last post March 12, 2012, 07:03:26 AM
by Hassan-Deeq
Su'aal: Guska oo iga damo markaan xaaskayga damco?

Started by Dhoore12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16388
Last post July 14, 2016, 08:55:28 PM
by Libaaxsane