Author Topic: Faa'idooyinka Caafimaad Ee Qajaar-Qaraarka!  (Read 30957 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Qajaar-Qaraarka!
« on: June 24, 2018, 12:23:14 PM »


Bismillah,

Mirahaan waxaa afka ingiriiska lagu dhahaa "bitter melon" oo macnaheedu yahay qare-qaraar, afka carabigane waxaa loogu yeeraa "bocor-qaraar", laakiin mirahaan wuxuu ka tirsan yahay qoyska qajaarka (Cucurbitaceae family), sidaa darteed magaca ugu dhaw wuxuu noqonayaa "qajaar-qaraar".

Mirahaan dhulkeena kama baxo, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa dalka qaaradda aasiya khaas ahaan dhulka Hindiya, waxaa kaloo laga helaa Afrika iyo wadamada laatiin ameeriko.

Wadamada deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Uganda waa lagu beeraa, waxaana laga helaa suuqyada khudaarta lagu gado.

Qajaar-qaraarku waa midho jirka u leh faa'idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, laakiin wuxuu caan ku noqday waxtarkiisa dhinaca macaanka oo la isku waafaqay inuu midho badan dhinacaas kaga horeeyo.

Magaca cilmiyeed ee qajaar-qaraarku waa "Momordica charantia", waa miro la cuno, aadne u qaraar, badanaa waxaa la soo gooyaa inta uusan bislaan sababtoo ah hadduu geedka ku sii daaho aad buu qaraarkiisa u sii bataa.

Qajaar-qaraarka iyo Macaanka: waa midhaha ugu awoodda badan dhinaca sokor yaraynta inta maanta la ogyahay, wuxuuna bukaanada qaar u geli karaa badalka daawooyinka loo qaato macaanka nuuciisa labaad "type 2", wadamo badan oo qaarada aasiya ku yaallo cabitaankiisa ayay ku kontaroolaan macaanka.

Midhahaan waxaa ku jira maaddo la dhaho "Charantin" oo hoos u dhigto sokorta dhiiga, waxay kaloo cilmibaarayaashu sheegeen in qajaar-qaraarka lagu arkay maaddo la dhaho "polypeptide-P oo aad ugu eg maadada uu ka samaysan yahay hormoonka insulin-ta, taasoo rajo fiican gelisay cilmibaarayaasha.

Cilmibaaris kale waxay sheegtay in qajaar-qaraarka uu 3 qaab u yareeyo sokorta: inuu sokorta samaynteeda jirka gudihiisa uu yareeyo, inuu firfircooni ku sameeyo unugyada jirka si sokorta dhiiga ku jirta looga faa'idaysto iyo inuu yareeyo adkaysiga unugyada qaarkood ay u leeyihiin hormoonka insulin-ta taasoo keento in sokorta dhiiga ku badato, marka taasi macnaheedu waa in midhahaan uu u shaqayn karo dhowr daawo oo kale oo macaanka loo isticmaalo.

[/b]Sidee loo isticmaalaa qajaar-qaraarka?[/b] Cilmibaarayaashu waxay sheegeen in midhahaan cabitaan, cunno iyo budu ahaanba loo isticmaali karo iyadoo waxtarkiisa uusan is dhimin, marka dad badan cabitaan ahaan ayay u shiitaan, qaarne waxay ku dhex jarjartaan ansalaatada "saladka", qaarne midhaha ayay qallajiyaan, kadibne way shiidaan oo budo ahaan aahaan cabitaannada iyo cunnada loogu darsadaa.

Cilmibaaris lagu soo daabacay "Journal of Ethnopharmacology" sanadkii 2011, waxay sheegtay in 2000 mg oo qajaar-qaraarka ah inuu u dhigmo 1000 mg of oo daawada "metformin" ah.

Faa'idooyinka kale ee qajaar-qaraarka:
Wuxuu cilmibaarayaashu sheegeen in midhahaan uu kobciyo difaaca jirka, sun saarane u yahay beerka, 100 gram oo midhahaan ah waxaa laga helaa 80 mg oo Vitamin C ah.

Midhahaan wuxuu kaloo shuuqiyaa baabasiirka, xanuunkane ka yareeyaa, markii la tumo oo xanjo ahaan loo saaro kuuskuuska baabasiirka.

Qajaar qaraarka wuxuu xoojiyaa aragga maadaama ay ku jiraan dhowr maaddo oo indhaha wax u tara sida "carotene labadiisa nuuc, Lutein, Zeaxanthin".

Qajaar-qaraarka waxaa ku jiro maadada "anti-histamin" taasoo lid ku ah sanboorka, xiiqda iyo allarjiga jirka.

Qajaar-qaraarka wuxuu yareeyaa dufanka kolestaroolka, taasoo ah faa'ido dheeraad u ah bukaanada macaanka qabo, sababtoo ah kolestaroolka wuxuu keenaa wadne-qabadka iyo faaliga.

Faa'idooyinka ay xuseen cilmibaarayaasha waxaa ka mid ah in midhahaan uu yareeyo tarmidda unugyada aan dabiiciga ahayd sida kansarka, wuxuu kaloo awood u leeyahay la dagaallanka jeermisyada bakteeriyada, fangaska iyo fayraska, waxaana jirto cilmibaarayaal ku taliyay dadka qaato daawada cudurka HIV inay joogteeyaan cunista midhaahaan si tarmidda fayraska u yaraado maadaama dhinacaas waxtar looga arkay.

Gabagabo:
Inkastoo mirahaan muuqaal iyo dhadhan ahaanba uusan soo jiidasho lahayn, laakiin faa'idooyinka uu xambaarsan yahay ma ahan mid la dhayalsan karo, haddii aad soomaaliya joogtid, cudurka macaankane aad la nooshahay, waxaad geedkaan ku beeran kartaa gurigaaga ama in lagaaga soo iibiyo wadamada dariska ah maadaama uusan lacag sidaas ah uusan ka joogin, kadibne intaad qallajiso ood shiiddo ayaad budo ahaan u isticmaali kartaa.

Caafimaad baan idin rajaynayaa, wixii su'aalo ah iigu dhaafa qeybta su'aalaha website-ka ama igala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Cabdishakuur_1998

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Faa'idooyinka Caafimaad Ee Qajaar-Qaraarka!
« Reply #1 on: June 27, 2018, 12:53:20 AM »
Masha allah geedkaan waa geed cajiib ah anigu maqabo sonkor hooyadey ayaana qabta insha allah haddaan fursad u helo waan ubeeri doonaa sey uga caafimaado cudurkaan mahadsanidiin...