Author Topic: Su'aal: Markaan cabsado caloosha ayaa la iga qabtaa?  (Read 3096 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Toll

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Markaan cabsado caloosha ayaa la iga qabtaa?
« on: July 27, 2017, 05:49:49 AM »
Asc Walaalaha Dhaqaatirta ee isu xilqaamay in ay Bulshadooda Baraarujiyaan. Su,aasheyda waxay tahay, Dr, Waxaan ku noolahay Gobol ka mid ah Gobolada Soomaliya, oo ay Colaado bdn ku soo laalabtaan, Dr marka la sheego Dagaal ayaa dhici raba, ama uu iska horimaadba uu dhaco, Isla markii Caloosha ayaa leyga qabtaa oo Musqul degdeg ah ayaan rabaa, dhibkaas ayaan isku arkay, fadlan ii soo jawaba, Mahadsanidiin.




Offline Awil5

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Markaan cabsado caloosha ayaa la iga qabtaa?
« Reply #1 on: September 03, 2017, 11:38:57 AM »
Bro wa mahadsan tahay llmi baaris aan sameyay taas waxaan ku soo ogaaday dadka baqa  ayna keento cabsida qafka uu ka qaado colaada ama wax qafka uu ka wal walo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Markaan cabsado caloosha ayaa la iga qabtaa?
« Reply #2 on: July 04, 2018, 11:39:17 AM »
Siyaabo badan ayuu welwelka ama naxtinta u keentaa calool xanuun, waxaa ka mid ah:
1- Aashitada caloosha oo siyaado, taasoo gaas ahaan laguu qabto.
2- Murqaha caloosha oo giigsamo, taasoo loo yaqaano "Tension in the abdomen"
3- Neerfaha dheefshiidka oo aad u shaqeeyo taasoo keento calool majiir iyo shuban, hadduuna qofka qabo xanuunka loo yaqaano "mindhicirrada kacsan" IBS, wuu uga sii dari karaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: