Author Topic: Su'aal: Biyo yara jiidmaya ayaan isku arkaa?  (Read 7150 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Cabdallaah123

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Biyo yara jiidmaya ayaan isku arkaa?
« on: July 11, 2018, 12:46:32 PM »
Asc, dhamaan dhakhtarka iyo musliminta dhamaan wan idin wada salamay

dhaqtar waxan raba si niyad dhisid ah inaad igaga jawabto  iguna faahfaahiso su aashan walwal ayay igilisaa mararka qaar.
*sidee isaga daweeyo *maxaase iisababay oo kenay maxuuse yahay dhacankase waxayna tahay su aasha :-

diktoore wxn ahay wiill dhalinyaro ah 23-24 jir ah wxn isku arkay markaan soo kaadsho kadib oon iska nadiifiyo kaadida kadib oon rabo inan kaso baxo suuliga wxn  isku arkay biyo ama dhacaan waxyaris jiidmaya illaa an wax qalalan kutiro ma istago mudo ayan ahay sidan dhaqtar wan tagay dhacan ayaa kujiro ayuu idhahay dhartarka oo ah infection prostete wan walwalay markan sidaa maqlay wayo wiil dhalan yaro aan ahay
deetana dhig iyo waxba igama qadin lkn dawo ayuu iqoray dawadii wan qatay xoga wan karonaday sido kale dhaqtarka wuxu ifaray inan ejaculation sameyo laba jeer isbuuci oon aqoon waxass ugu dambeyn wuu igu adkeyay waayo wxuu dhahay waxay soo saresa wasaqdas mesha kujirta waxa so racaya shahwada oo soo sareydsa hada marka way idhibta dawadiina way iidhaman rabta kaliya 10 kaniini ayuu iso qoray dhaqtarkeyga wxn codsana inad iga kafiso maxan sameyaa wlh walwal bay igilisay ee ila xali

cafwan diktoore 10 kaniini ayuu isoo qoray ma ahn ee hada ayaa 10 kaniini isoo hartay waaye macnaha welina problemka wuu jira sido kale dhibkas ah dhacanka kadidida ka gadaaleyo wxuu igu  daran yahay xligay shahwada iga timaado

mid kalena an kushego diktore aniga ejucalationka ma isticmalo gacan teyda qabkale on aniga  isaga keno aa jirto ee diktoore dhib miyay ledahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo yara jiidmaya ayaan isku arkaa?
« Reply #1 on: January 10, 2019, 09:27:43 PM »
Biyaha yimaado markii qofku kaadida dhameeyo waxaa loo yaqaanaa "Wadi", kuwa yimaado markuu qofku kacsado ama dareenkiisu kaco waxaa loo yaqaanaa "Madi" kuwa yimaado xilliga galmadane waxaa loo yaqaanaa "Mani".

Wadi-ga waa biyo cad oo culus urne aan lahayn, wuxuu yimaadaa badanaa kaadida iyo saxarada kadib weliba markuu qofka jiirto, wuxuu kaloo yimaadaa markii qofka wax culus qaado iyo markuu qofka in muddo ah kaadida ama saxarada isku celiyo, taasi wax dhib ah ma lahan, cudurne ma ahan waa arrin dabiici ah rag badanne ay kula qabaan.

Laakiin haddii biyahaan ay joogto noqdaan waa cillad u baahan daaweyn, waxayna la xiriirtaa qanjirka ragga (Borostayt-ka) taasoo loo yaqaano "Congestive Prostatitis", waana qanjirka oo cabburmo, xoogaa bararne yeesho, kadib markuu qofku saxaroodo ama kaadiyo qanjirii bararnaa waxaa saarmayo cadaadis waxaana imaanayo biyahaas aan laga aqoon shahwada, waxaa kaloo cilladaan lagu arkaa dadka kacsiga badan, dareenkooda kiciyo biyahane aan iska keenin ama guurka ka daaho, hadday cilladaan raagto qofka wuxuu dareemi karaa dhabar xanuun iyo danqasho laga dareemo qooraha iyo futada inta u dhaxayso markaas waa inuu qofka qaataa qallajiye "Antibiotic" iyo barar-dajiye "Anti-inflammatory", hadduu gurusan karane inuu qofkaasi guursado inta uu gacantiisa biyo iskaga keeni lahaa.

Midda sadaxaad, Haddii biyahaas kaadida ka dambeeyo ay yihiin biyo calow / casuur ah oo aan nadiif ahayn ama uraayo waxay calaamad u tahay cudurro dhowr ah oo laga qaado galmada sida: Jabtida, Chlymedia IWM.

Halkaan ka akhriso qoraallo dhowr ah oo la xiriiro cilladaada:
Caabuqa Qanjirka Ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
Bararka Qanjirka Ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0
Shahwo timaada saxarada kadib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2631.0.html
Jabtida iyo Daaweynteeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0
Kalameedia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26459
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21463
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44021
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47815
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29383
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc