Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Ayeeyo way wareeraysaa markay kacdo?

(1/1)

Abdihakimlove:
Salaamu calaykum doctor salaan kadib waxaan jeclaay in aan ku waydiiyo su aal
Waxaa jira ayeeyadey in ay aad u wareerayso marki ay hurdada iyo fadhiga ka kacdo . Waxaan ka cabiray dhiiga cas waxa uuna mara 10 ilaa 13  waxayna qabta Gaas marka dr maxaa sababi kara wareerkaas
Mahadsanid

SomaliDoc:
Wareerka iyo indho-madoobaadka la dareemo markii fadhiga laga kaco waxay u badan tahay cillad loo yaqaano "Hypotension" taasoo ah cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco waana cillad ka dhalan karto dhowr waxyaabood oo uu gaaska laftirkiisu ka mid yahay, halkaan ka akhriso cashar ku saabsan dhicintaanka cadaadiska dhiigga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5834.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version