Author Topic: Su'aal: Caloosha ayaan muddo ka xanuunsanaa?  (Read 3425 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mohamed Abubakar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Caloosha ayaan muddo ka xanuunsanaa?
« on: July 22, 2018, 01:06:06 PM »
asc dhamaan bahda dhaqaatirta ka howl gasho webkaan salaan kadib aad ayaad ugu mahasantihiin howsha aad somali weyn u heysaan alle ha idinka ajir siiyo amin
waxaan doonaayey in aan su aal aad igaga jawaabtaan taas oo ah mid ku saabsan caloosha mudo ayaan caloosha ka xanunsanayey 2013 ayaa caloosha tubo leyga galiyey waxaa leygu shegay gastric lkn waxey ii shegeen in uusan eheyn mid daran  kaniini ayey ii soo qoreen  2014 ilaa 2017 wan dareemi jiray lkn markii uu igu kaco kaniini ayaan iska cuni jiray cilad dhanka saxrada ahne wan qabay mudadaas oo marne adeeg noqonee mar marka qaarne in ila 3 ila 4 malin saxro laheyn kadib waxan dhigaa saxro aad u jilcan oo aad moodo bas mar marka qaarne sida wax kalo go go an  2017 waxan dareemay in uu said yahay xanuunka kaniini kasto oo aan cunane waxba iga tareynin dhaqtarkeyga ayan u tagay waxaan u sharaxay sida ley haayo kadib baritaan ayaa ley diray baritaanka wuxuu ahaay neefteyda ayaan ku afuufaa bahal yar oo la xiraa kadib baritaankuu wuxuu sheegay in caloosheyda ay dhaxfadhiso bakteeriyo ladhaho H PYLORI
kadib waxaa leysoo qoray labo kaniini waxaan ka xasuustaa PYLERA 140 mg oo aan 4 waqti aan cunaa subaxii 3 duhurkii 3 fiidkii 3 iyo saqda dhaxe 3, 24 saac kasto sas ayaan sameynayey inkasto aan ku xanunsaday lkn wan dhamestay kadib dhaqtarkii ayan ku labtay wuxu ii soo qoray kaniini kale asigane wan dhamestay lkn waxan dareemaa in wali xanuunkii jiro wan ku labtay dhaqtarkeyga wuxuu ii gudbiyey dhaqtar kale dhaqtarkii wuxuu dhahay waa in tubo lagu galiyaa tubadii aya ley galiyey waxaa leygu shegay in calosheyga ay nabro ledahay dhaqtarka kaniini ayuu ii soo qoray ladhaho Esomeprazole mylan 40mg wan dhamestay wali waxaan dareemaa xanuunkii wan ku labtay markii aan u shegay san wax u dareemaa wuxuu ii soo qoray kaniini aan horay u isticmaalay oo ahaay PYLERA 140 mg iyo mid kale Esomeprazole teva 40 mg  wan u shegay kaniinigaan in aan horay u cunay oo aan bakteeriyo u cunay wuxuu dhahay wa in aad mar kale cuntaa 
pylera 140 mg wan dhamestay Esomeprezole 40 mg aya wax yar iiga dhimanyihiin waline waxaan dareemaa xanuunkii
waxaan dareemaa in calosha ibuuxdo mar marka qaaar xanuun dhanka iyo midhicirada iyo dhabarka saxrada wey adag tahay inta badan mar marka qaarne 3 ila 4 malin mabalihi wax saxro ah mar marka qaarne wey jilcantahay lkn marka ay jilicsantahay dhoor mar ayan musqusha galaa malinkaas waxaan rabaa docter adigoo macluumaadkeyga ku saleynaa jawaabteyda in aad ii turxaan bixiso waxa aan sameyn karo ama cilada mesha ay ka jirto wad mahasantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caloosha ayaan muddo ka xanuunsanaa?
« Reply #1 on: January 14, 2019, 09:20:14 PM »
Walaal qaabka laguu haayo waxay kaloo noqon kartaa laba cudur oo badanaa gaaska lagu qaldo, faahfaahintoodane mid walba ka akhriso link-gaan:
1- Ameebaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0
2- Kacsanaanta mindhicirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 313821
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24382
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25911
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18128
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24208
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc