Author Topic: Su'aal: Waa maxay faa'idada فراولة "strawberry"?  (Read 14737 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed_Carab

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 53
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay faa'idada فراولة "strawberry"?
« on: July 24, 2018, 10:28:20 PM »
Asc.

Waa maxay faa'iidada strawberry-ga?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay faa'idada فراولة "strawberry"?
« Reply #1 on: January 21, 2019, 08:27:43 PM »


Bismillah,

Miraha gaduudan ee afka carabiga ah lagu yiraahdo "Farawla", afka ingiriiskane lagu dhaho "strawberries", waa miro indhaha u roon, faa'idooyin mid nafaqo iyo mid caafimaadba laga helo, inkastoo dhulkeena aan laga beeran laakiin carrada iyo cimilada uu u baahan yahay beerista mirahaan waanu haysanaa.

Waxyaabaha ugu badan ee laga faa'ido waxaa ka mid ah:

  • Mirahaan waxaa ku jiro maadda sunsaarista jirka u qaabilsan ee loo yaqaano "Antioxidant", maadadaan waxay unuyada jirka ka ilaalisaa dhaawaca ka dhasho sunta ka dhalata waxyaabaha jirka galo, sidoo kale maadadaan waxay xididada ka ilaalisaa inay xirmaan ama wasakh fadhiisato taasoo muhiim u ah caafimaadka wadnaha iyo kacsiga ragga.
  • Mirahaan waxaa ka buuxo fitamiin C oo la wada ogyahay inuu difaaca jirka muhiim u yahay, kuna caawiyo ka hortagga xanuunada jeermisyaha ka dhasho, waxaa la mid ah yaanyada iyo liin dhanaanta, sidoo kale fitamiin C-ga wuxuu muhiim u yahay maqaarka, dadka joogteeyo cunnada fitamiin c-ga ka buuxdo jirkooda dhakhso ma yeesho laalaab ama duuduub.
  • Mirahaan wuxuu u roon yahay xakamaynta sokorta jirka, waxayna cimlibaarayaashu u badinayaan inay sabab u tahay maadada la dhaho "Polyphenols" oo ku jirta.
  • Mirahaan waxaa kaloo loo isticmaalaa ka hortagga xanuunka kolestaroolka oo ka dhasho dufanta fadhiisato xididada wadnaha, faahfaahinta xanuunkaan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1461.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 22702
Last post February 03, 2016, 12:36:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25342
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

Started by Darmaan123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16278
Last post November 05, 2013, 10:51:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31278
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24487
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc