Author Topic: Su'aal: Dumarka gudniinka fircooniga ah?  (Read 8903 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdirahman-Samatar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dumarka gudniinka fircooniga ah?
« on: July 27, 2018, 12:45:56 AM »
Asalaamu calaykum dhamaantiin bahda boggan caafimaadka ee SomaliDoc, ilaahay waxaan idiinka baryayaa in uu jannatul Fardawza idinku arsaaqo, shaqada wacan eed dadka u haysaan.

Waxaan idinka codsan lahaa inaa si naxariis leh iiga jaahil saartaan arrinkan isoo food saaray.

Magacaygu waa Sharmaarke, waxaan  guursaday 5 bilood ka hor. Waxay gabadhaydu ahayd dumarkan tolan ee loo yaqaano Dumarka Fircooniga ah. Gabadhayda waa lasoo furay oo opperation ayaa lagu sameeyay, irbadii dhabarkana waa lagu muday. 2 usbuuc sug ayuu yidhi kadib waanu sugnay, markii aanu is nidhi isku galmooda ayaa waxa soo baxday inuu gali waayay xubintii tarankaygu oo wax yaroo kuusan ayaa isoo celinaya mar kasta. Marbaan ku fikiray inuu yahay Vaginusmus hadana waxaan isku qanci waa yay in aanuu ahayn.

hadaba waxaan idinka codsanayaa inaa arrinkaa ilaahay dartii ii iftiimisaan hadaa cilmi u leedihiin.

Mahadi dhamaadteed korkiina ilaahay ha yeelo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dumarka gudniinka fircooniga ah?
« Reply #1 on: January 13, 2019, 10:21:39 AM »
Walaal waxaa habboon in aad dhakhtarad haween u gaysid si loo wiisiteeyo, waxaa dhici karo gudniinka laftirkiisa inay keentay sababtoo ah isagaa heerar kala duwan leh, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0

Waxaa kaloo dhici kara cillad abuuris inay jirto oo u baahan in la xaqiijiyo, sidoo kale cilladd aad sheegtay ee Veginismus waa suuragal maadaama ay xanuun dareemayso markaad isku daydaan galmada taasoo keeni karta in murqaheedu geejismaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 59530
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Waa maxay waaxa dumarka laga gubo xagga hoose?

Started by XanaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16724
Last post April 14, 2011, 06:57:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay dumarka qaar habla un u dhalaan qaarna inama?

Started by Khadar AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7180
Last post February 02, 2016, 03:15:53 PM
by SomaliDoc
Su,aal: Xanuunada dumarka kaga dhaca naasaha ibtoda?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20104
Last post May 29, 2009, 08:37:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?

Started by CadarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 251797
Last post July 24, 2009, 12:54:57 AM
by SomaliDoc