Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: dhiig ayaa i furmay?

(1/1)

Umu Aamina:
asc wr wb aad baad u mahadsan tihiin walalayaal.su'aashayda waxa weyaan aniga oo uur leh 3 bil ah ayaa dhiig iga furmay kadib dhakhtarkayga waxaa uu iyidhi wax cilad ah kuguma arko aan ka ahayn makaanka oo bananka kaa bararsan mudo kadib markan ahà 7 bil ayaa malin dhiig badan iga furmay kadib emergency ayàn tagay waaba layga fooliyay waan umulay alaxamdulilah.hada mudo kadib dhig dhig yar ayaan isku arkay scan ayaa lay saray dhakhtarkayga waxa uu ii sheegay in overy ama ugaxanta midig i bararsan tahay waqtigaa aan u tagayay week kadib waxaa ii yimi dhiigii cadada markaa caadi miyaa haday ku bararto mise waa cilad dhkhtarka waxa uu ii sheegay in ay dumarka marka ay dhalaan  badana dhacdo jazakallah khayr walal ii jawaaba

SomaliDoc:
Bararka aad sheegtay hadduu yahay fiix ama waxa loo yaqaano "Cyst", waa barar kumeelgaar ah wax dhib ahne ma keento wayna iska baab'adaa, haddii wax kale ay tahayne bal noo soo faahfaahi.

Halkaan ka akhriso dilanka ama dhiig-furanka waxyaabaha keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version