Author Topic: Su'aal: Faa'idooyinka Scorpion venom?  (Read 13908 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ahmed_Carab

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 53
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faa'idooyinka Scorpion venom?
« on: August 06, 2018, 10:28:37 PM »
Asc .. bacda salaam .. waxaan rabaa inaan idin weydiiyo su'aal ah:

Waa maxay faa'idooyinka caafimaad ee sunta daba-qalooca (Scorpion)?
ma runbaa in lagu daweeyo xanuuno dhowr ah sida kanserka, malariyada iyo wixii intaa ka badan, sidoo kale waxaa la yiri in loo isticmaalo like pain killer.

Bal noo faa'ideeya.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faa'idooyinka Scorpion venom?
« Reply #1 on: January 18, 2019, 07:33:24 PM »


Sunta dib-qallooca waxaa loo adeegsadaa arrimo dhowr ah dhinaca cilmibaarista caafimaadka khaasatan kuwaan hoose:

  • Xakamaynta Xanuunka: driaasada la daabacay sanadkii 2013-kii waxaa la ogaaday in sunta dib-qallooca ay leedahay awood xanuun baab'iye tasoo la rajaynayo in laga sameeyo xanuun baab'iye awood leh.
  • Baab'inta unugayda kansarka: waxaa la arkay in sunta dib-qallooca markii jirka ay gasho inay raadsato unugyada aan dabiiciga ahayn ee jirka ka soo baxa sida kuwa kansarka taasoo haddii midab loo yeelo tilmaan u noqon karto meelaha unugyadaasi ay ka soo baxeen inta aysan kansar isku badalin, waa baaritaan aan weli soo gabagaboobin laakiin lagu rajo wayn yahay inuu wax ka badalo daaweynta kansarka.
  • Caawinta xubno ku tallaalidda jirka: sunta dib-qallooca waxay hoos u dhigtaa difaaca jirka, taasoo ahmiyad u yeelan karto dadka lagu tallaalo xubnaha cusub sida kilyo-beerista IWM, si looga hortago in jirka uusan dagaal ku qaadin xubinta cusub ee lagu tallaalay, arintaane weli baaris baa ku socoto inta aan la ansixin.
  • Xanuun laabatooyinka: sunta dib-qallooca waxy waxtar u leedahay xanuuanda riixa iyo roomaatiisamka, waxaana jira dad ku nool dalka Cuba oo arintaasi u adeegsado si looga hortago in xanuunka uusan baab'in lafaha kalagoysyada, laakiin weli ma ahan arrin la isku waafaqsan yahay.
  • Duumada / Malaariyada: sanadkii 2011-kii cilmibaarayaal ka tirsan jaamcadda Maryland waxay sheegeen walxo ku jira sunta dib-qallooca inay dili karaan jeermiska malaariyada keeno ee kaneecada laga qaado, taasoo ay tijaabo ahaan u xaqiijiyeen laakiin weli ma ahan wax daawo alga dhigay ama la isticmaalo hadda.

Way jiraan arrimo kale oo cilmibaaris lagu wado taasoo la filayo in sunta dib-qallooca xal u noqon doonto mustaqbalka dhaw inkastoo ay jiraan umado badan oo dhaqan u tahay inay sunta dib-qallooca ku daaweeyaan xanuunada qaar, kuwaasoo qaarkood ay ku nool yihiin dhulka ku hareereysan webiyga Amazon ee koofur ameerika.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Faa'idooyinka Kareemka loo yaqaan shaving creams?

Started by ZuldanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 2772
Last post January 09, 2018, 08:33:31 PM
by Zuldan
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Dhiig shubidda!

Started by DawiilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 21403
Last post February 06, 2016, 03:11:52 PM
by Dawiil
Faa'idooyinka Caafimaad ee Qaraha / Xabxabka?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 91144
Last post November 10, 2016, 09:47:34 PM
by Admin
Faa'idooyinka Caafimaad ee Geedka Baamiyaha?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 64371
Last post March 29, 2016, 05:20:04 PM
by SomaliDoc
Faa'idooyinka Caafimaad ee Saliid Saytuunka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 25677
Last post March 19, 2018, 06:12:58 PM
by SomaliDoc