MMR WAXAA LAGA SOO GAABIYAY SADEX CUDUR OO KALA AH: QAAMOW-QANSHIIRKA, JADEECADA IYO JADEECO BEENTA.
Jadeecada (Measles)
Jadeecada waxaa keena fayrus jeermis aad u xun wata. Ugu dhawaan qof walba oo uu ku dhaco cudurkani wuxuu yeelan doonaa xummad aad u xun, firiiric oo bukaan ayuu ahaan doonaa. Carruurtu caadi ahaan waxay sariirta jiifaan ilaa iyo shan maalmood waxayna dugsiga ka fadhiyi karaan ilaa iyo toban maalmood. Dadka weyni waxaa suurogal ah inay waqti intaas dhaafsan sii bukaan. Lama ogaan karo qofka sida xun uu cudurka jadeecadu ugu dhici doono. Dhibaatooyinka jadeecadu waxay gaartaa 15kii carruur ahba hal. Dhibaatooyinka yimaada waxaa ka mid ah jeermis dhagta, laabta iyo marinnada hawada laga neefso ee sare ku dhaca, shuban, iyo qallalyo, iyo (marmar dhif ah) encephalitis (maskaxda oo bararta), iyo waxyeello maskaxda gaarta. Mararka ugu xun, cudurka jadeecada waa loo dhintaa. Xataa carruurta caafimaadka badan ayaa u dhinta jadeecada.
Sidee ayay jadeecadu u baahdaa?
Cudurka jadeecadu waxa uu ka mid yahay cudurada ugu jeermiska badan ee laga war hayo. Qufac ama hindhiso ayaa baahin karta fayruska cudurka jadeecada oo ku baahin karta meel ballaaran. Jeermiskiisa aad u xun awgii, halis ayuu ku jira ilmahaagu in ay jadeecadu ku dhacdo haddii isaga ama iyada la tallaali waayo.
Ma hubo in ilmahayga hore loo siiyay tallaalka MMR. Maxay tahay inaan sameeyo?
Waxaad ka fiiriin kartaa diiwaanka caafimaadka ilmahaaga si aad u ogaato haddii halkaas lagu qoray. Haddii aanan sidaas la samayn, waxaad la xiriiri kartaa takhtarkaaga, maxaa yeelay waxay haystaan diiwaan.
Haddii uu shaki kaaga jiro waa in markaas ilmahaaga la siiyo MMR. Waxyeello uma keenayso haddii hal jeer oo dheeraad ah la siiyo.
Tallaalada hal hal loo qaato ayuu ilmahaygu helay. Maxay tahay inaan sameeyo?
Carruurta la siiyay tallaalada hal hal loo bixiyo ee jadeecada, qaamo-qashiirta iyo rubella waa inay weliba qaataan MMR. Tani sababteedu waxa weeye in aan la hayn daliil caddaynaya in tallaalada hal hal loo bixiyoo ee la isticmaalay ay keenaan ilaalin fiicnideedu la siman tahay ta uu keeno tallaalka isla socda ee isku jira
Waa maxay qaamo-qashiirtu (mumps)?
Qaamo-qashiirta (mumps) waxaa keena fayrus sababayn kara xummad, madax xanuun, iyo wajiga, qoorta iyo daanka oo barara oona xanuun bata. Waxuu keeni karaa cudurkani dhega la?aan joogto ah, viral meningitis (xuubka hoose ee maskaxda oo barara) iyo encephalitis. Mar iyo dhif, wuxuu keenaa barar xanuun badan oo gaara xiniinyaha marka la eego ragga iyo xubnaha ilmuhu ku abuurmo marka dumarka la eego.
Sidee ayay qaamo-qashiirtu u baahdaa?
Cudurka qaamo-qashiirtu (mumps) wuxuu u baahaa sida jadeecada. Wuxuu jeermiskiisu la siman yahay hargabka.
Waa maxay rubella?
Rubella (jadeecada Jarmalka) waa cudur uu keeno fayrus. Carruurta marka uu ku dhaco waa ku fudud yahay oo caadi ahaan lama dareemo. Wuxuu keenaa firiiric, qanjiryada oo barara iyo xanuun cunaha gaara oo waqti yar socda. Cudurka Rubella wuxuu aad ugu xun yahay dhallaanka uurka ku jira. Wuxuu waxyeello xun u gaysan karaa aragooda, maqalkooda, wadnahooga iyo maskaxdooda. Jeermiska cudurka Rubella haddii uu hooyada gaaro saddexda bilood ee ugu horeeya ee ay uurka leedaha wuxuu waxyello u gaystaa tobankiiba sagaal dhallaanka uurka ku jira. Xaaladdan cudur waxaa loo yaqaanaa cudurka rubella ee uurka ku dhaca (congenital rubella syndrome) (CRS). Mararka badan, dumarka uurka leh waxaa qabadsiiyey cudurka rubella carruurtooda ama carruurta asxaabtooda.
Sidee ayuu cudurka rubella u baahaa?
Cudurka rubella wuxuu u baahaa sida jadeecada (measles) iyo qaamo-qashiirta (mumps). Wuxuu jeermiskiisu la siman yahay ka hargabka.
? Qiyaastii 1000kii carruur ah ee la tallaalo hal ayaa laga yaabaa in uu gaaro qallal ay keentay xummadu. Tani waxaa loo yaqaanaa ?gariir yar? (febrile convulsion) oo carruurta badidooda waxyeello uma geysato. Hase ahaatee, haddii ilmo aan la tallaalin ay ku dhacdo jadeecadu, waxaa laga filanayaa in ay ku jiraan halis shan jeer kor u kacsan inuu qallal gaaro.
? Mar iyo dhif, waxaa dhici karta in ay carruurtu yeeshaan calaamadaha u eeg qaamo-qashiir (xummad iyo qanjiro bararsan) saddex todobaad ka dib marka la tallaalo marka qaybta qaamo-qashiirta (mumps) ee tallaalku ay shaqadeeda bilowdo.
? Waxaa dhici karta (aad dhif u ah) in ay carruurtu yeeshaan firiiric naburo yaryar oo kale ah lixda todobaad ee ku xiga tallaalka. Tani caadi ahaan waxaa keena qaybaha jadeecada iyo rubellada ee tallaalka. Haddii aad bar sidan u eeg aragtid, takhtarka ilmahaaga u kexee si uu u baaro. Isaga ama iyada ayaa kuu sheegi doona sida aad wax uga qaban kartid dhibaatada oo aad mustaqbalka u ilaalin kartid ilmahaaga.
? Carruur tiradoodu ka yar tahay malyankiiba hal ayaa uu ku dhacaa cudurka encephalitis (maskaxda oo bararta) ka dib tallaalka MMR. Waxaana aad u yar daliilka caddaynaya inuu kaasi keeno tallaalku. Hase ahaatee, haddii ilmaha ay jadeeco ku dhacdo, khatarta uu ugu jiraa inuu gaaro cudurka encephalitis waxay qiyaas ahaan u dhexeysaa 200ba hal iyo 5000ba hal.
Waa maxay tallaalka MMR?
Tallaalka MMR waxaa ku jira qaabab daciif ah ee fayrusyada nool ee jadeecada (measles), qaamo-qashiirta (mumps) iyo cudurka rubella. Dadka dhawaan la tallaalay ma qabsiin karaan dadka kale, maxaa yeelay fayrusyada waa la daciifiyay.
Sidee loo tallaalaa?
Tallaalka waa in lugu mudo muruqa qaybta sare ee gacanta.
Tallaalka MMR sidee ayuu u qabtaa wixii loogu tala-galay?
Tallaalka MMR aad ayuu waxtar u leeyahay oo uu u qabtaa wixii loogu tala-galay wuxuuna masuul ka yahay tirtiridda waxa yar ka haray ee saddexda cudur ka dib markii laga soo saaray Ingiriisaka sanadkii 1988.
Maxay yihiin dhibaatooyinka soo raaca tallaalka?
Saddexda fayrus ee kala-duwan ee tallaalka ku jiraa si gooni ah oo kala-duwan ayay u shaqeeyaan waxayna keeni karaan dhibaatooyinka soo socda:
Dhibaatooyinka ay keenaan marka labaad ee la bixiyaa waa bay sidan ka sii yar yihiin oo ay ka sii fudud yihiin:
? Lix ilaa toban maalmood ka dib marka la tallaalo, carruurta qaarkood ayaa laga yaabaa inay xummad yari ku kacdo (tani waxay gaartaa tobankii carruur ahba hal). Qaarkood waxaa ku dhasha firiiric sida jadeecada oo kale ah waxayna diidaan cuntadooda marka qaybta jadeecada ee tallaalku ay shaqadeeda bilowdo. Ololaha la qabsasho ee ballaaran ee MMR
Miyay jiraan sababo keenaya in uusan ilmahaygu qaadan tallaalkan?
Aad ayay u yartahay tirada carruurta aan la tallaali karin. Sababaha ugu muhiimsani waa:
? ilmahaaga oo hore u yeeshay ficil-celin jirka ku baahsan ?anaphylactic reaction? (hoosta eeg) oo ka dhalatay qiyaas hore oo tallaalka MMR; ama
? ilmahaagu haddii uu leeyahay hab difaaca jirka oo hoos u dhigan (tusaale ahaan, sababtu ay tahay in ay ku jiraan daawayn loogu tala-galay xaalad cudur oo culus sida marka xubin jir kale leeyahay kooda lugu rakibayo ama kaansar), haddii ay arrimahani yimaadaan takhtarka ama kaalkaliyaha caafimaad ayay tahay inay talo ka doontaan takhtar isagu ku takhasuusay cudurada carruurta. Haddii aad seegtay oo aad u iman kari weyday tallaalka MMR ee ilmahaaga, ballan kale ayaad ka samaysan kartaa takhtarkaaga ama dhakhtarka yar ee gaarka ah (clinic).
Alarjiyooyinka
Xataa ilme ficil-celin jirka ku baahsan (firiiricyo wajiga iyo jirka ka soo baxa, afka iyo cunaha oo barara, dhibaato xaga neefsashada iyo naxdin) ay u keento ukuntu ayaa qaadan kara tallaalka MMR. Haddii aad xaaladan ku jirtid, u sheeg takhtarkaaga ama kaalkaliyaha dugsiga ? iyaga ayaa si gaar ah wax isugu hagaajin kara si ilmahaaga loo siiyo tallaalka.
Tallaalka MMR miyuu dhaliyaa cudurka autism?
Maya. Aragtida dadku ay qabaan ee oranaysa in uu xiriir ka dhexeeyo tallaalka MMR iyo cudurka autism waxay bilaabantay sanadkii 1998 markay dad cilmi yaqaan ahi soo saareen waraaqo ku saabsan 12 carruurood oo qabay cudurka autism oo ay weliba dhibaatooyin mindhicirka ka haysteen. Inkastoo dadka cilmi yaqaanka ahi ay si cad u sheegeen in aysan jirin xiriir la caddeeyay oo ka dhexeeya cudurka autism iyo tallaalka MMR, xayaysiiskii ka dhashay ayaa loo qaatay inuu sheegayo in uu xiriir ka dhexeeyo.
Tirada carruurta laga helay cudurada la xiriira cudurka autism (xaalado ku xiran cudurka autism) ayaa sii kordhaysay sanado badan. Dadka qaarkood waxay tani u arkaan in kordhista uu keenay tallaalka MMR.
Ma jirto cilmibaaris keliya oo muujisay in tallaalka MMR uu yahay halis keeni karta cudurka autism. Laakin, waxaa hore loo qabtay cilmibaarisyo badan oo heli waayay xiriir labadaas ka dhexeeya. Daliilka cilmibaarista iyo cilmiyaqaanada ayaa sideeda ugu badan si xoog ah u tilmaamaysa in uusan tallaalka MMR isagu keenin cudurka autism.
MA JIRTO CILMIBAARIS KELIYA OO MUUJISAY IN TALLAALKA MMR UU YAHAY HALIS KEENI KARTA CUDURKA AUTISM
Halkaan ka baro cudurka dhakaakaha (Autism)SomliDoc