Waxaa jira qaar ka mid ah bakteeriyada oo nacfi u leh jirka, kana qeyb qaato habdhisyada jirka sida dheefshiidka oo kale.
Haddii bakteeriyadaas laga waayo jirka waxaa ku dhici kara xanuuno ay ka mid yihiin calool xanuun iyo shuban waxaana badanaa lagu arkaa caruurta iyo dadka sida xaddhaafka ah u cuna qallajiyayaasha taasoo bakteeriyadii cudurka keenaysay iyo tii fiicnaydba jirka ka dhameeyay.
Xaaladaas oo kale waxaa qofka loo qoraa daawooyin la dhaho "probiotics" oo ah bakteeriyadii laftirkeeda oo daawo ahaan loo soo sameeyay, xanuunadaas ka dhashay bakteeriyo la'aanta ayaana lagu daaweeyaa.