Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Inay wax iga soo dhacayaan ayaan moodaa?
(1/1)
Rahma qali:
Asc mahadsanid doctor dedalkaad wadaan wa xaan ahay hooyo umula 4 week waxaan dareemayaa in hoosta wax iga soo dhacayaan tolow waa maxay doctor.
SomaliDoc:
In hooyada dareento inay wax ka soo dhacayaan ama wax soo riixayaan ama markay kaadida iska dhaqayso ay taabato wax aysan horay ugu ogeen meesha waa arrin badanaa haweenku isku arkaan umusha ka dib waana minka ama makaanka afkiisa oo hoos u soo dhawaada ee ma ahan cillad ama xanuun laga welwel, faahfaahinta arintaan iyo sida loola tacaalo ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1730.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version