Author Topic: Su'aal: Xubintayda ayaa iga jilicsan, talo isii?  (Read 9142 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hanad ali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xubintayda ayaa iga jilicsan, talo isii?
« on: August 21, 2018, 08:55:11 PM »
Salaamnid Dr.

Waan ka cudur daaranayaa si kasta u baadhay jawaab celin se ma helin dhanka digtoorka ah. Waxaan si sharaf leh u
Digtoore kaaga codsanayaa jawaab faahfaahsan insha Allaah.  Su'aashaydu ma cusba xubintayda (guska) ayaa iga jilicsan digtoore maxaan sameeyaa?

Mahad badan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xubintayda ayaa iga jilicsan, talo isii?
« Reply #1 on: January 31, 2019, 11:15:07 PM »
Jileeca qofba si ayuu u yaqaan, qaab isaga u gaar ah ayuuna u qiyaastaa, sababta aan sidaas u leeyahay waa dhalinyarada badankood oo arintaan ka aaminsan fikrado khaldan.

Xubinta sideedaba markaysan kacsanayn waa jileec Alle ayaana sidaas ugu talagalay, markay kacdane wad adkaataa, haddii ay kici wayso taasi waa cillad gooni ah waxaana la dhahaa howlgab kacsi, ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0

Haddii ay kacdo, laakiin aad dareensan tahay inaysan safiican u adkayn taasi waxay ku xiran tahay dareenkaaga heerka uu gaarsiisan yahay iyo haddii ay jiraan arrimo aad caadaysatay oo dareenkaaga yareeyay sida siigeysiga, daawashada aflaanta jinsiga IWM, sababtoo ah arrimahaasi waxay isbadal ku sameeyaaan dareenka kacsiga dhinaca maskaxda, waxyaabo si dabiici ah Alle ugu talagalay inaad ku kacsatid ayaadan ku kacsan karayn, akhriso qoraal ku saabsan dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaanta jinsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0

Waxaad kaloo qoraalkaan ka akhrisataa dhibaatooyinka siigeysiga iyo sibadalka jirka ku dhaco: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: