Author Topic: Maskaxda Caruurta Iyo Dhibaatada Shaashadaha.!  (Read 23636 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4659
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maskaxda Caruurta Iyo Dhibaatada Shaashadaha.!
« on: August 26, 2018, 03:11:56 PM »


Bismillah,

Waxaan maanta casharkaan kaga hadlaynaa arrin aad muhiim u ah, taasoo dhibaato weyn ku haysa bulshadeena, waana caruurta ad u daawato Tv-yada iyo shaashadaha moobeelada.


Badanaa waalidiinta dhib uma arkaan inay caruurta ku soo toosiyaan kuna jiifiyaan daawashada shaashadaha iyagoo iskaga aamusinaya, ama cunno ku siinaya ama guriga nadaafaddiisa ku ilaashanaya, laakiin ma is weydiiyaan dhibka dhaw iyo midka fog ay caruurtu ka dhaxli karaan arintaan? su'aashaan ayaan si faahfaahsan qoraalkaan uga jawabi doonnaa insha'llah.

Dhibaatooyinka ay caruurtu ka dhaxlaan daawashada shaashadaha:
  • Korriimada Maskaxda:sanadaha ugu horeeyo nolosha, maskaxda caruurtu waa curdan, welina safiican uma kobcin, caruurtu waxay wax ka bartaan deegaanka ay ku nool yihiin, taasoo ka qeyb qaadato in maskaxdooda si sahlan oo da'dooda la socoto u korto, waxaa intaa sii dheer in caruurta illaa ay ka gaarayaan 2 sano aysanba maskaxdoodu awoodin inay fahanto waxyaabaha ka muuqanayo shaashadda, sidaa darteed dhibka ugu badan wuxuu caruurtu gaaraa 18-da bilood ee ugu horeyso noloshooda taasoo la isku waafaqsan tahay in aanba wax TV ah ama shaashad aan loo shidin ama loo dhiibin caruurta.
  • Barashada Luqadda:Caruurtu waxay luqadda ka bartaan waalidka iyo dadka ay la nool yihiin, waxayna erayada ay baranayaan xiriir la leeyihiin ficillada ka muuqda noloshooda cusub, sidaa darteed TV-ga ama shaashadahu waxay khalkhal galiyaan maskaxda qeybta qaabilsan barashada luqadda khaasstan qeybta "expressive lanaguage" oo ah awoodda wax ku cabbiridda luqadda, waxaa caruurtaan lagu arkaa hadalka oo soo daaho, cunuga oo aan hadalka isku dhibin oo tilmaamid ku dhamaysta howlihiisa, waxaa intaa ka sii daran in luqad aan jirin inuu cunuga yeesho, khaasatan haddii luqadda uu daawanayo ay ka duwan tahay midda guriga looga hadlo, markaasne awoodi waayo in luqadda saxda ah uu carabkiisa la qabsado, waxbarashadane dib dhac uu kaga dhaco, midda kale TV-ga iyo shaashadaha wuxuu caruurta ka mashquuliyaa waalidkii iyo dadkii kale ay ku hadalka ka baran lahaayeen, midda kale da'dii la rabay inay weero ama jumlad ku dhisaan way ka dib dhacaan.
  • Dabci badalidda:daawashada joogtada ah waxay badashaa dabciga caruurta maadaama muuqaallada midabada kala duwan leh iyo codadka dhawaaqa kala duwan leh ee maskaxda caruurta sida tooska ah ugu dhacaysa, waxay maskaxda galiyaan xaalad buuq iyo kacsanaan joogto ah, sidaa darteed mar walba cunuga wuu kacsan yahay, dagaalkiisa iyo qayladiisa aad ayay u badan tahay, taasina waxay keeni kartaa in waalidka u maleeyo in cunugiisa uu madax adayg iyo kibir uu ka wado, kadibne canaan ama garaacis ayaa dhici karta in loogu daro dhibkii hore, weliba waxaa arintaan aad loo dareemaa markii TV-ga la damiyo ama mobeelka laga qaado, markaas wixii ag yaallo inuu kugu soo tuuro ama guriga qarribo ayay u badan tahay, diraasado dhowr ah oo arintaan laga sameeyay waxay sheegeen in caruurta maskaxdooda u dhaxayso kacsanaan (markay wax daawnayaan) iyo dhacsanaan (markii laga damiyo) ay halis ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka dhimirka ee loo yaqaano "Bipolar mood disorder".
  • Xirfadda Wax Akhriska:Caruurta lagu abaabiyay daawashada TV-ga iyo shaashadaha waxay dhib kala kulmaan akhriska, iskumana dhibaan, sababtoo inay wax sawiraan ayay ka jecelyihiin wax qorista markay wax kuu sheegayaan ama wax cabbirayaan. arintaasne waxay caqabad ku tahay waxbarashada mustaqbalkooda.
  • Hilmaanka:Caruurtaan waxaa lagu arkaa hilmaan badan khaasatan waxyaabaha dhowdhow "short term memory loss" sababtuna waa xaaladda mashquulka ee maskaxdooda ku jirto mar walba iyagoo aan xasuusan wixii dhacay markaas, caruurta markii laga damiyo TV-ga ama laga qaado Ipad-ka maskaxdoodu way sii mashquulsanaataa, waxaana lagu fahmi karaa in dhibicda madaw ee isha ku dhex taallo inay balaarato, taasoo tilmaan u ah in maskaxda ay kacsan tahay, xilligaas cunuga ma dagano, wax looma sheegi karo, wuxuuna u dhaqmayaa sidii qof waalan oo kale.
  • Hurdada:Caruurtaan waxaa lagu yaqaanaa hurdo yari, sababtuna waa maskaxda oo khalkhalsan iyo markay sariirta tagaan iyagoo gala "riyo-soo-jeed" ah, dibna ugu ceshta waxii ay soo daawadeen, weliba mararka qaar iyadoo la wada jiiftay ayaad qosolka cunuga sii maqlaysaa. Hurdadu aad ayay muhiim ugu tahay korriimada caruurta, waxayna sare u qaaddaa difaaca jirkooda, marka waa muhiim in cunuga uu helo hurdo ku filan si hormoonka korriimada u qaabilsan "Growth hormone" oo badanaa xilliga hurdada howlgalo in jirka ka faa'idaysto
  • Foojignaan la'aanta iyo maqnaanshaha:Middaan waa dhibaato badanaa waalidiintu ka sheegtaan, maahsanaan iyo maqnaansho siyaado ah taasoo saameyn ku yeelan karto nolosha dhinac walba sida waxbarashada, waxayna dhakhaatiirta si khaldan caruurtaan ugu sheegaan inay qabaan xanuunka "ADHD" oo ay isku astaan dhaw yihiin maqnaanshaha ka dhasho shaashadaha, faahfaahinta xanuunka "ADHD" ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=987.0
  • La tacaamulka bulshada:TV-ga iyo shaashadaha waxay caruurta u yeelaan dabciga "Gooniyowga", cunuga awood uma lahan inuu caruurta faciisa ah la sheekeesto ama la ciyaaro, maadaama wuxuu rabo uusan sheegan karin, xirfaddii isgaarsiintane ay ka maqan tahay, caruurtaan waxaa lagu gartaa markay kula hadlayaan in indhaha aysan kaa fiirin karin, wayna iska ilaaliyaan in indhaha dadka kale isku dhacaan, la tacaamul la'aanta bulshada waa dhibaato caruurta aan si dhakhso ah uga harin, taasoo caruurta dhibaato kala kulmaan xilliga waxbarashada, wuxuuna cunuga u ekaanayaa inuu xagga dhaqanka uu ka maskax yar yahay caruurta faciisa ah, wuxuuna badanaa dowr bidayaa inuu la ciyaaro caruurta ka yaryar.
  • Miisaanka & Cunno xumada:Caruurta shaashadaha daawado saacado badan ma dareemaan gaajo iyo dharag toona, sababtoo ah dheecaannada maskaxda kiciya waxay hoos u dhigaan dhambaallada lagu dareemo gaajada iyo dharagta, taasi waxay keeni kartaa laba cilladood oo kala ah: in cunuga nafaqo darro ku dhacdo haddii waalidku uu sugo ama ka mashquulo inta gaajo ay ka dareemayaan, waxaana halkaas ka baxayo waqtiyadii caadiga ahaa ee cunnada la cuni jiray, midda labaadne waa hooyada oo TV-ga hortiisa cunanda caruurta ku siisa, taasina waxay keentaa miisaan aan loo baahnayn inuu cunuga fuulo sababtoo ah wixii cunuga la hordhigo markaas wuu dhamaysanayaa maadaama uu maqan yahay, dharagne uusan dareemaynin. inkastoo hooyooyinka ay arintaan u arkaan mid fiican laakiin waa khalad in caruurta lagu hor quudiyo TV-ga ama shaashadda hortooda, waxaadne ku dareemi kartaa aritaas, markii TV-ga laga damiyo in cunuga uu ku weydiisto cunto isagoo hilmaansan inuu waxyar ka hor cunto siisay.!
  • Waxbarasho nacaybka: Shaashaduhu waxay maskaxda caruurta ka howlgabiyaan unugyada qaabilsan xirfadda akhrinta iyo qorista haddii si joogto ah loo daawado, taasi waxay caqabad ku tahay mustaqbalka waxbarashada caruurta sababtoo ah waxaa cunugii caqabad ku noqonayso wax akhrintii iyo qoristii, iyadoo intaas u sii dheer tahay la tacaamul la'aanta ardayda kale, maahsanaanta xilliga fasalka iyo macallimiinta oo ku ceebayn karo maskax yari, intaasoo la isku daray waxay keeni kartaa inuu cunuga naco waxbarashada.
  • Aragga indhaha:Waalidiinta badankood waxay aaminsan yihiin in dhibka shaashadaha ku koobaan kaliya aragga, laakiin taasi waa fikrad khaldan sababtoo ah taasi waa dhibka ugu yar ee caruurta soo gaari karo markii la barbar dhigo dhibaatooyinka kale. Dhibaatada aragga ee TV-yada iyo shaashadaha laga dhaxlo kuma koobno klaiya caruurta, dadka waawaynne way la qabaan, waxaana cilladaas loo yaqaanaa "Digital Eye Strain" ama "Computer vision syndrome", cilladaan faahfaahinteeda ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3453.0

Khaladaad u gaar ah qoysaska qaar:
  • Caruurteena badanaa waxyaabaha loo shido waxay ku baxaan luqadda carabiga ama ingiriiska, gurigane waxaa looga hadlaa luqadda soomaaliga ama luqad kale khaasatan qoysaska qurbaha ku nool, taasi waa dhibaato u gaar ah caruurteena iyo kuwa la midka ah.
  • Caruurta aad u yaryar oo loo shido filimaanta dadka waaweyn ama inay la daawadaan caruurta ka waawayn, waxay ka dhaxli karaan cillado ka duwan kuwa kore sida isku-kaadinta habeenkii, cilladda cabsida "Phobias" oo ah in caruurta qaar cabsi u qaadaan waxyaabo aan laga cabsan.
  • Waalidiinta oo aan caruurta la fiirsan waxa ay daawanayaan, una fasirin, kana sixin waxyaabaha qaar oo maskaxdoodu xamili karin..
  • Waalidiinta qaar oo u arko horumar una riyaaqo hadduu cunuga isagoo aad u yar kasbado xirfadda adeegsiga mobeelada iyo IPAD-ka, mararka qaarne uuba ka badiyo waalidiinta laftirkooda.


Goormee la ogolyahay in TV Caruurtu daawato?
  • Caruurta laba sano ka yar waa in laga mamnuuco daawashada TV-ga iyo in moobeelka loo dhiibo sababtoo ah dhibaatooyinka kor aan ku sheegnay badankood xilligaas ayay caruurtu gaartaa. caruurta laba sano ka yar maskaxdoodu waxay ku kortaa waxne ka bartaan guriga ay ku nool yihiin, waana waxbarasho ku dhisan horukac iyo isdhaxgal "Progressive and Ineractive learning" waana arrin aan shaashada laga baran sababtoo ah waxyaabaha la daawado oo idil waa wax la jilay, caruurta da'daan jirtane ma fahmi karaan, dhib kaliya ayayna ka dhexlaan.
  • Caruurta 2 sano ka wayn waa in waqti go'an loo ogolaadaa ama loo shidaa. Hal Saac maalintii ama usbuucii hal mar oo ah 2 illaa 3 saac, waxa loo shidayane waa inay ahaadaan wax ay aqoon ka kororsanayaan.
  • Waa in caruurta TV loo shidin markii la jiifin rabo ama xilliga hurdadu soo dhaw dahay.
  • Waa in TV-ga ama moobeelka aan loo adeegsan si caruurta cunno loogu siiyo.
  • Waa in caruurta aan loo shidin wax da'dooda ka wayn ama aan u qalmin.
  • Waa in TV-ga aan la dhigin qolka jiifka iyo meesha ay caruurta wax ku akhristaan ama qolka ay ku ciyaaraan.

Talada SomaliDoc:
Arintaan waa dhibaato jirta, waalid walbane wuu dareensan yahay dhibka haysto intuu la eg yahay, laakiin si loo joojiyo waxay u baahan tahay go'aan adag iyo dulqaad. cunuga inuu kaa xanaaqo ama qeyliyo ama guriga uu ku ciyaaro ayaa kaaga roon in aad korsatid cunug maskax ahaan dhiman, taasoo ku reebi karto raad joogto ah, markuu weynaadane uu yeesho dabci gooniyow oo adiga iyo bulshada ka go'.

Waxaan isku dayay in casharkaan aan soo koobo, wax badane waan ka tagay, laakiin haddii aad halkaan akhris ku soo gaartay waxay tilmaan u tahay inay dhibaatadaan ku haysato, xalne aad raadinaysid ee fadlan go'aankaaga ku adkayso, caruurtane Alle ha kuu xifdiyo. Aamiin


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 10180
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 24256
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3015
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 11215
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5887
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc