Author Topic: Su'aal: Gaajo daran anigoo mar dhaw wax cunay?  (Read 17381 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Carab_Xabiib

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gaajo daran anigoo mar dhaw wax cunay?
« on: August 29, 2018, 05:39:11 PM »
Asc.  Salaan ka dib. Waan idinku mahad celinayyaa dadaalka iyo waxqabadka aad bulshada u heysaan. Intaa ka dib. Waxaan rabaa in leyga jawaabo su'aashaan:

Markaan raashiin cuno waxyar ka bacdi waxaan dareemaa gaajo iyo in caloosha ay i maran tahay (within 4 or 6 minute after eating), caafimaadkeygana waa okay wax cilad ahna maqabo, marka walaalyaaloow maxey noqon kortaa arintaan?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gaajo daran anigoo mar dhaw wax cunay?
« Reply #1 on: January 27, 2019, 08:28:18 PM »


Inaad gaajo dareentid adigoo cunno cunay waxay astaan u tahay Kacsanaanta hormoonka gaajada: hadduu hormoonka "Ghrelin" uu kacsan yahay xittaa adigoo dharagsan ama mar dhaw wax cunay waxaad dareemaysaa gaajo, waxyaabaha hormoonkaan khalkhal galiyo oo kiciyo waxaana ka mid ah:

1- Haddii cuntada aad cuntay ay ku badan tahay sokorta iyo carbohydrate-ka sida cunnooyinka loo yaqaano "Junk Foods" waxay sare u qaadaan hormoonka sokorta dajiyo ee Insulin-ta, kadibne markuu jirka isticmaalo si dhakhso ah ayuu insulin-ka u dhacaa, kadibne hormoonka gaajada ayay maskaxda soo daysaa, qofkane isla markii gaajo ayuu dareemaa, waa sababta loo yiraahdo cunnooyinkaas faa'ido caafimaad uma lahan jirka si dhakhso ahne waa loogu cayilaa maadaama qofka intuu rabo ka cuni karo isago weli gaajo hayso.

2- Hadduu jirkaagu ooman yahay ama biyaha kugu yar yihiin, qofka markuu cunnada cuno wuu sii oomaa, waxuuna dareemaa sidii qof gaajaysan.

3- Hadduu qofka ka shaqeeyo ama agjoogo meel carafta cunnadu ka dhaw dahay amaba uu arkayo sida TV-ga oo kale, qofka wuxuu dareemaa gaajo, waana arrin dabiici ah oo qofka Alle ku abuuray, waana sababta caruurta joogtada u daawado TV-yada ay gaajo uga sheegtaan.

4- Hurdo la'aantu waxay jirka u keentaa khalkhala xagga dharagta iyo gaajada ah, diraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii ayaa arintaan lagu xaqiijiyay. halkaan ka akhriso cashar aan horay uga hadalnay dhibaatooyinka hurdo la'aantu u keento jirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0

5- Welwelka iyo niyadjabka wuuu jirka ka lumiyaa awoodda xakamaynta gaajada iyo dharagta, dadka qaar wax cunis ayay ku waashaan weliba hurdada ayay uga soo kacaan siday wax u cunaan.

6- Cudurrada qaar waxaa lala xiriiryaa gaajo siyaado sida macaanka / sokorowga taasoo ka mid ah astaamaha looga shakkiyo xanuunkaan, sidoo kale xanuunka kacsanaanta qanjirka thyroid-ka wuxuu leeyahay gaajo badan, sidoo kale dadka qaba xanuunka gaaska ee ku dhaca mindhicirrada ee "duedunal ulcer" qofka wuxuu dareemaa gaajo badan, mar walbane inuu wax cuno ayuu rabaa, meesha dadka qaba "gastric ulcer" ay gaajada u roon tahay oo haddii wax cunaan ay xanuunsadaan. faahfaahinta nuucyada xanuunka gaaska iyo waxa ay ku kala duwan yihiin ka daawo video-gaan:


7- Daawooyinka qaar iyo maandooriyaasha waxay keenaan gaajo siyaado ah, wuxuuna qofka ku walfaa wax cunista sidii qof waallan oo kale.

Talada SomaliDoc

Haddii aad dareensan tahay inuu xanuun jiro, fadlan dhakhtarka la xiriir si laguu baaro, daawane laguu siiyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Murqo xanuun, lafo xanuun aad u daran?

Started by Cumar AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5944
Last post November 29, 2016, 03:27:17 PM
by SomaliDoc
Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 8478
Last post April 08, 2012, 05:44:04 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Digirta/Cambuulada qofka gaaska qabo ma u daran tahay?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10588
Last post February 18, 2012, 11:03:37 PM
by Naale
SU'AAL: ASC DHAQTAR WAXAAN QABAA DHABAR XANUUN DARAN

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7801
Last post April 30, 2011, 08:47:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa keena qaboow daran oo loo adkaysan karin?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6866
Last post June 30, 2011, 12:12:43 AM
by SomaliDoc