Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

SU'AAL: DHIIGAYGA MARKAAN ARKO WAAN MIYIR BEELAA?

(1/1)

Mohamoud waddani:
Asc Dr adiga iyo umadda somaliyeed e arki doonta qoralkayganba

Magacaygu waa foosi 27 jir ban ahay dhiigayga ama dhiiga waalidkay ama walaaladay marka aan arko dawakhaad saaid ah baan dareemaya ka bacdina waan suuxaya cabaar 20 minit meelahaas ah waan miyir maqanahay

Fadlan Dr,iyo umada somaliyeed e ciladahan hore u arkaw maxaan sameeya ila taliya

SomaliDoc:
Waa arrin ay dad badan isku arkaan waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 3% inay cilladaan qabaan taasoo ah ka cabsashada dhiigga "phobia", qofka markuu dhiigga arko wuu naxayaa, wadnaha ayaa si xawli ah u garaacmayo kadibne dhiigga ayaa dhacayo, indhaha ayaa madoobaanayo, kadibne wuu miyir beelayaa, dadka qaar way sii dareemi karaan inay miyir daboolmi rabaan, waxaana lagula taliyaa inay isla markiiba fadhiistaan si aysan istaagga uga faniinin, biyo badanne cabaan si cadaadiska dhiiggane u soo kaco.

Mohamoud waddani:
Shugran walal ciladu waa maxay  maxaase lagu daweeen karaa walal

Navigation

[0] Message Index

Go to full version