Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Markaan miyiga aado waa caaroodaa?
(1/1)
Ismoabdi4:
Asc dhamaan waxaan salaamayaa Dadka ku sugan bogan iyo kuwa ku hawlan Hanaqadka boggan.
Alle ayaa mahad leh.
Si gaara waxaan u salaamayaa uguna Mahad celinayaa, dictors-ka wakhtigooda U hurey caafimaadka umadda tan waxaan Leeyahay jasaa akallaah.
Su'aasheyda : markaan visit ugu baxo magaalada banaankeeda meelaha qaar
(miyiga/baadiyaha ) waxaan noqdaa sidii qof caaroonaya oo kale kadib markan xoqo ( meesha i caarooneysa ) way casaata oo way kabrartaa kadib markaan ka soo tago meesha een imaado magaaladii wey iga ba'aan .
Kolkaa waa maxay sababta keenaysaa ?
SomaliDoc:
Taasi waa allarji waxbaad dhibsanaysaa oo xasaasiyad ku qabtaa waxaa suuragal ah geedaha miyiga aad tagtay ku yaalla qaar, cunnada aad cunaysid IWM. Akhriso qoraal ku saabsan xasaasiyadda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=532.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version