Author Topic: Su'aal: Saliid saytuun ma la marin karaa xubinta?  (Read 13841 times)

0 Members and 6 Guests are viewing this topic.

Offline شرحبيل

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Saliid saytuun ma la marin karaa xubinta?
« on: September 12, 2018, 10:15:27 AM »
Asc Dr , cilmigaa baratay Ilaahy hakugu anfaco , suaasheyda waxay tahay ;Saliid saytuun xubinta taranka raga mala marin karaaa si ay u adkeyso ? Faaido ma uleedahay  saliid saytuunka xubinka raga ? Haddii lamarinkara nuuca ugu haboon ee lamarinkaro iishg ? Dhibaato kadhalan karto hadii ay jirtana isheeg . Dr wa mahdsantahy .




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Saliid saytuun ma la marin karaa xubinta?
« Reply #1 on: February 05, 2019, 08:20:02 PM »
Way jirtaa diraaso lagu sameeyay dalka giriigga oo sheegtay in saliid saytuunka oo cuntada lagu darsado inuu sare u qaado hammiga iyo awoodda ragga, laakiin weli lama sheegin in xubinta lagu daliigo si ay u adkaato ama u waynaato, taasi weli caddayn looma hayo, horay ayaan uga hadalnay qoraal ku saabsan waxyaabo badan oo la sheegay in xubinta ay weyneeyaan ama adkeeyaan ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5846.0

Saliidda saytuunka faa'idooyin badan ayay jirka bini'aadanka u leedahay, cilmibaarisyo badanne waa lagu xaqiijiyay ee qoraalkaan ka akhriso faa'idooyinka caafimaad ee saliid saytuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8635.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: