Author Topic: Waxa keeno lalabada aroortii la dareemo  (Read 43943 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waxa keeno lalabada aroortii la dareemo
« on: September 17, 2018, 08:35:55 PM »


Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ku saasbsan yahay arrin ku badan bulshada taasoo ku saabsan lalabada la dareemo subaxdii hore illaa barqadii laga gaaro taasoo qofku quraacan karin, sidaasne shaqada ama waxbarasahada ku aado.

Maxaa keeno cilladaan?
Cilladaan waxaa keena dhowr arrimood oo kala duwan, waxaana u kala hormarin doonnaa sida ay ugu kala badan yihiin bulshada iyo mid walba sida loo la tacaalo.
  • Sokorta dhacsan: dadka badanaa aan safiican u cashayn habeenkii, waxay badanaa soo toosaan iyadoo xadka sokortooda ay hoosayso, taasina waxay keentaa in lalabo ay dareemaan, madaxa xanuuno iyo wareer, arintaan waxaa lagu xallin karaa in gaajo aan habeenkii lagu jiifan iyo iyadoo quraacda la isku qasbo subaxdii oo aan gaajadaas lagu bixin.
  • Jadwalka cuntada ama hurdada oo khaldama:Hadduu qofku la qabsado inuusan quraacan in muddo ah ama dhafarkiisu uu badan yahay waxaa khaldama mareegta nolosha taasoo caafimaad ahaan loo yaqaano "Circadian Rythm", markay sidaan dhacdo waxaa sare u kaca heerka hormoonka loo yaqaano "Cortisol" markaasne qofka wuxuu dareemaa lalabo subax kasta markuu damco inuu cunno cuno ama carafteedaba uu dareemo. arintaan waxaa lagu xallin karaa in aadan quraacdaada joogteyso, habeenkiina hurdo kugu filan aad seexato si dheecaannada jirkaagu ay u dheelli tirnaadaan.
  • Gooryaanka: Astaamaha lagu garto gooryaannada ama caabuqa caloosha waxaa ka mid ah lalabo, matag, cunto xumo, daal iyo murqo xanuun, mararka qaarne calool majiir, waana cillad aad ugu badan bulshada khaasatan caruurta, sidaa darteed waxaa muhiim ah in caruurta oo idil la siiyo daawada ka hortagta gooryaannada oo sanad walba ama labadii sanaba hal mar la qaato, daaweyntaasoo loo yaqaano "demowrming". WHO waxay ku talisaa cunug walba oo laba sano ka wayn iyo dadka waawaynba inay kaniiniga la dhaho "Albendazole 400 mg" ee hal xabo kaliya ka qaataan sanadkii. sidoo kale kaniinigaan badalkiisa waxaa caruurta u gali kara daawada dabiiciga ah ee 'barida idaha' oo subaxdii caruurta quraacda lagu siiyo, faa'idada barida idaha iyo xanuunada kale ee lagu daaweeyo ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0
  • Gaaska laabjeexa leh:Gaaska ka dhasha acid-ka badan ee caloosha soo dayso wuxuu keenaa in lalabo la dareemo iyo kor-hur markii qofku gaajo dareemo, sidaa darteed dharagta iyo gaajadu way u daran tahay dadka qaba gaaskaan. waa muhiim in habeenkii lagu casheeyo cunto fudud oo hadane gaajada ka hortagayso sida sarreenka, caanaha, muuska ama malabka.
  • Welwelka: kooxdaan ugu dambeyso waa qolada lalabada isku aragto maalintay shaqo culus u socdaan sida qaabilaad shaqo, imtixaan, meel dhib ka jirto ama ay dagdagsan yihiin, qofka markuu welwelsan yahay wuxuu dareemaa lalabo mana quraacan karo, laakiin maalmaha kale ee caadiga ah wax lalabo ah ma dareemo.

Maxay dadkaan u dhibsadaan macmacaanka?
Sida caadiga ah markuu qofku lalabao dareemayo ma awoodo inuu wax macaan ah cuno ama wax caano ku jiraan ama laga sameeyay sababtoo ah lalabada ayay ku sii siyaadiyaan ee maahan astaan u gaar ah xanuun gooni ah. dadkaan waxaa lagu la taliyaa in quraacda ka hor ay cabaan shaah lagu kariyay sanjabiil, maadaama lalabada uu joojiyo, rabitaanka cuntadane uu furo.

Sidee ku ogaan karaa cilladaydu nuuca ay tahay?
Waxaad ku ogaan kartaa adigoo dhakhtar taga, iskana baara saxarada iyadoo laga fiirinayo jeermis iyo gooryaan intaba, haddii saxaradaadu nadiif tahay, fadlan raac talooyinka kale ee kor ku xusan, haddiise ay cillad jirto waa in daawo lagu siiyaa, dadka kula noolne iyagane ka hortag la siiyaa.

Haddii aad su'aal kale qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir qeybta su'aalaha ama boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162165
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64450
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 10080
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14383
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Qanjirka kilkilaha oo barara xiliga cadada maxa keeno?

Started by Cayuush OmerBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5913
Last post March 03, 2016, 02:04:10 PM
by SomaliDoc