Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Dhakhso ayaan daalaa?
(1/1)
Yackow:
Asc dhammaan bahda caafimaadka waad mahadsantihiin hawsha wacan ee aad bulshada uheesan Allaha idin lagarab galo intaa kadib anigoo soo koobayo dhibkeyga waxaan kacabanayaa; daal markaan waxyar qabto inaan udaalo sidii ruux saacado shaqeenaye camal, midakale shigshiga daawo maleeyahay, xubinta taranka oo iyaraatay iyo biyo bax dag-dag ah
SomaliDoc:
Daalka wuxuu astaan u yahay cillado aad u tira badan sida dhiigyarida, xanuunka murqaha ku dhaco, infekshanka dhiigga, howlgabka qanjirka, hurdo yarida, welwelka, macaanka iyo kuwa kaloo badan, haddii badanaa aad isku aragtid daal aadan horay iskugu aqoon jirin fadalan dhakhtar la xiriir si laguu baaro.
Shigshiga wuu kala nuuc ee halkaan ka akhriso qoraal aan ku faahfaahinnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3222.0
Sidoo kale cilladda biyo-baxa degdega ah, ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version