Author Topic: Su'aal: Bishii 1-aad ayay caadada heshay?  (Read 4121 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ruwayda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Bishii 1-aad ayay caadada heshay?
« on: October 14, 2018, 07:40:59 PM »
Asc doctore !suashaydu waxaytahay!
Gabaryar oo walashaya 11jir ah ayaa waxay heshay .cadada markay jirtay 10sano bishii kowaad unbay caadi uheshay. Intii kle wuuka khalkhalay.dhaktar Ayaan ugaynay.!kiniin ayuu uqoray !3bilood .kininki markay qadatayna wuukatagay sanad ayuu kamaqnaa ?sanad kadib ayuu kusoo noqday !hadana isbuuci 1mar ayuu kamaqnada 6dayska kale wayheshaa ama 1bil ayuu kasocdaa ?markaa sadex kalar ayuu leyahy markuu kaimaanayo .,!huruud kalar ah,?marna madow kalara! Marna casaan! Wanaa 13jir?xanuun kle nh malahan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Bishii 1-aad ayay caadada heshay?
« Reply #1 on: March 07, 2019, 08:09:33 PM »
Caadi ahaan markay caadada cusub tahay, khalkhal baa ku dhaco waana arrin dabiici ah maadaama hormoonadu aysan fadhin, laakiin sida aad tilmaantay suuragal ma ahan in caadada 6 bil ay maqnaato, hal bilne ay socoto, cunugtane ay caafimaad qabto ama xanuun kale aysan jirin, waxaa laga yaabaa inaad gabadha aad waraysatay, taasoo ah warbixin aan lagu kalsoonaan karin markay gabdhaha yar yihiin, caadada safiican uma fahansana, warbixin khaldan ayay badanaa bixiyaan, marka taladaydu waa inaad dhakthar haween u gaysaa si caafimaadkeeda loo baaraa sida dhiigyarida IWM. halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Canug lasoo xaaqay kadibna caadada oo wareertay iyo xanuun caloosha ah

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12081
Last post November 03, 2012, 09:51:06 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26112
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51463
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?

Started by CadarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 251836
Last post July 24, 2009, 12:54:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?

Started by Maizah BBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58096
Last post January 13, 2016, 01:48:41 PM
by SomaliDoc