Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qanjirka daanka hoostiisa?

(1/1)

Fariid12:
Dr adiga Iyo bahda somalidoc waad mahadsantihiin100%
Suasheyda waxaa waaye Qanjirka daanka hoostiisa Iyo qoorta  ah oo waxyar bararsan waa dhanka bidix Marka dhowr dhaqtarna waan  dagay waxeey idhaheen waad fcntahay kuwa qaar ayaa iidiray dhiig mid kalane computer ama  alturosound labadabada waxeey dhaheen waxaad tahay maasha alaaaah
Inta aan saas ahayna waa mudo 24 cml ah
Jwb wcn Dr thanks.

SomaliDoc:
Qanjirrada daamanka u dhaw oo bararo waxay astaan uyihiin inuu jiro caabuq ka agdhaw meelahaas sida dhegta, cunaha, ilkaha IWM, qanjirradaasi waxaa la dhahaa "Lymph node" waa qeyb ka mid ah difaaca jirka, Alle wuxuu ugu talagalay in heegaan la geliyo markuu infekshan ay dareemaan. sidoo kale waxyaabaha kicin karo qanjirradaas waxaa ka mid ah xanuuno ku dhaca isla qanjirka laftirkiisa sida: Tiibishada qanjirrada ama xanuunka kansarka qanjirrada ee Lymphoma, marka waa muhiim inaad dhakhtar la xiriirto hadduu qanjirka wili sii bararan yahay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version