Shakiga badan iyo waswaaska waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Obsessive Compulsive Disorder" tan oo lagu macneeyo Ciladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCD
Ciladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.
Haddii aad qabto OCD, oo aad qabtid, fakar soo noqnoqda oo murugo leh ee loo yaqaan walwal taagan.
Waxaad si soo noq-noqota isku daydaa isla wixii si aad isugu daydo in uu fakarka ku daayo. Tallaabooyinka soo noq-noqda waxaa loo yaqaan kuwo aad ku khasban tahay.
Tusaale ahaan fakarka kugu taagan waxaa uu noqon karaa cabsi aad ka qabto jeermiska ama cabsi aad ka qabto in lagu xanuujiyo.
Waxyaabaha aad ku khasban tahay in aad sameyso ayaa waxaa ka mid ah gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdo, in aad wax tiriso, alaabta oo aad iska eegto ama nadiifiso.
Tusaale ahaan waxay aad uga muuqataa dadka weysada dhib kala kulmo oo ka shakiya in dhowr jeer ay xubnahooda dhaqaan iyagoo aamisan in weli weysada aysan sax ahayn oo meelo jirka ka mid ah sidii la rabay loo dhaqin.
Waxaa ka mid ah salaada markii la xiranayo oo iyadane ay qofka inuu niyeystay iyo in kale ay dhib ku tahay taasoo keeni karto in salaadda dhowr jeer xirto.
Waxaa ka mid ah in qofka uu wax kasto inuu tiriyo jecel yahay oo meel hadduu soo galo wixii is leh inuu tiriyo ama wixii tirsami karaba inuu tiriyo ama lacag tiris ha ahaato ama wax kalaba.
Waxaa kaloo ka mid ah in wixii isleh uu jecel yahay qofkaani inuu isku aadiyo, haddii kale niyadda uma dagayso sida mathaln wax isku midab ah in aysan is raacin oo kale, sida ka muuqato sawirkaan hoose:
Haddii aan la daaweyn, OCD waxay la wareegi kartaa qaab nololeedkaaga.
Dadka wax darsa waxay ku fakaraan in dadka qaba OCD aysan maskaxdooda si fiican u shaqeynin.
Badanaa reerka ayaa isu gudbiya. Caadi ahaan waxay calaamaduhu billawdaan carruurnimada ama xilliga qaangaarka.
Caadi ahaan waxaa waxtar leh daawooyinka iyo nidaamka daaweynta ee isku jira.
In aad la kaashato xanuunkaaga takhtar ku taqasusay cudurrada maanka waa muhiim si uu kaaga taakuleeyo dhibka aad daeemeyso.
daaweyntu waa 3 nooc, mid waa daawada kaniiniga ah (medication), midna waa dabciga oo la badalo (Cognitive behavioral therapy), midna waa (Psychotherapy).
In labada qeyb oo ugu korreysa la isla isticmaalo waa midda ugu muhiimsan daawenta cilladaan.
Tusaale ahaan: Dabciga badalidda ayaa waxaa loo sameeyaa qaab ah in qofka lagu dhaliyo ama lagu qasbo xaalad ka mid ah xaaladaha uu dhibsanayo oo ku abuurayso cillad ku taagan taasoo si tartiib ah loogu booriyo qofka in uu is xakameeyo una adkeysto sida ugu saxsan oo uga jawaabi lahaa cillada maskaxda kaga taagan.
Xanuunnada noocaan ah waxay u baahantahay in aad la kulanto takhtar oo aad la fadhiisato ee in aad internetka kala sheekeysato wax saa u sii weyn kugu saacidi mayso maxaa yeelay xanuunkaan daawentiisu waxay u baahantahay wada fadhiisasho iyo isla dhaqmis.
Takhaatiir ku taqasusay cuduradaan waa laga helayaa dalka oo way joogaan inkastoo aysan ku badneyn.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waa na weydiin kartaa.
http://somalidoc.com