Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Kuleelka ma saameeyaa xubnaha taranka?

(1/1)

Libaaxa Duula:
asc wllaha bogan aadna waan idinku mahad celinayaa shaqada quruxda Badan eed ku haysaa bogan waxaan rabaa.inaan wax ka ogaado inuu.kulaylku wax yeeleeyo ama inaad wax kulul dhabta
 oo kale aad saarato xubanaha taranka ee raga iyo xaga tarankaba   
              mahadsanidiin

SomaliDoc:
Kuleelka siyaadada ah wuu saameeyaa unugyada shahwada ee xiniinyaha ku jiro sidaas awgeed waa muhiim inuu qofka iska ilaaliyo in xubnihiisa u dhaweeyo waxyaabaha kuleelka ka soo baxayo sida in computer-ka aad dhabta saarato ama inaad dhex fadhiisatid biyo aad u kulul muddo dheer.

Sidaa darteed Alle wuxuu xiniinyaha ku ilaaliyay qooraha oo badanaa ka helaan heerkul aan isabadalin, markuu qabaw jiro qooraha way shuuqaan oo xiniinyaha waxay hoosta ka galaan caloosha taasoo qandac ay ka raadiyaan, markuu kuleel jirane qooraha way fidaan si xiniinyaha uga fogaadaan jirka, kuleelkane u yaraado, faafhaahinta ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3313.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version