Author Topic: Su'aal: Finan dabada iiga soo baxay?  (Read 4047 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dahir 88

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Finan dabada iiga soo baxay?
« on: October 29, 2018, 09:08:27 AM »
Da,deydu waa 40 jir Bishii 4aad badhtankeedii ayaa fin kuusan iga soo baxay dabada dhakhtar ayaan tegey Wuxuu ii direy dhakhtarka kale oo qaliina kiina Wuxuu ii direy inaan scan isa soo mariyo kadib waxaan u keeney jawaabtii scanka waxaa uu ii qorey dawooyin ka dib meeshii waa dilaacdey waan ku noqdey daawo kale ayuu ii qorey waxaanu ii sheegey in aanan u baahney in lagu sameeyo camaliyad,waxaan waydiiyey ma fistula waxaa uu igu yiri maya.meel kale Ayuu hadana iga soo baxay nabarkiina ilaa hada waa qoyaan mana qalalayo dhakhtar adigoo mahadsan bal talo ma iga soo siin kartaa.markaan daawada antipitotica qaadanayaa waxaa jirka iga soo baxaya finan iyo cuncun iyo waliba cadanyo jirku uu i Barbara.ilaa hadana nabada waxaan dareemayaa xanuun saxarada ka dib
 Waad mahadsan tahay dhakhtar waxaan rajaynayaa in aad ii soo talo.
Qoraalada waan wada akhriyey ku saabsan xanuunkan i haya laakiin  dhakhtarka markaan waydiiyey Wuxuu igu yiri waa infection




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Finan dabada iiga soo baxay?
« Reply #1 on: March 19, 2019, 09:36:20 PM »
Kuus ka soo baxay dabada dhinaceeda, markuu dillaacane qoyaan leh, adigoo daawo antibiotic qaadanayo raysan la', waxaa badanaa keeno xanuunka Fistula, faahfaahinta xanuunkaaga ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0

Waxaa lagu xaqiijin karaa baaritaan la dhaho "Fistulogram", laakiin garan maayo inuu isaga yahay baaritaanka uu dhakhtarka kuu diray iyo inuu mid kale yahay.. midda kale hadduu yahay ka soo bax ama baxdin raysan la' waxaad u baahan tahay in dheecaankaas la beero si loo ogaado jeermiska keenayo iyo daawada wax ka tari karto. marka waa muhiim inaad dhakhtar kale la tashato.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15139
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15253
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18561
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?

Started by ShuuriyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7307
Last post May 19, 2011, 08:43:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa Killida bidix iiga yaallo labo fiixood?

Started by AaminoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6020
Last post December 22, 2014, 09:08:12 PM
by SomaliDoc