Wa'alaikum salaam
Walaal hassan, aad ayaa ugu mahadsantahay faahfaahinta aad ka bixisay xaaladdan, sideedaba dhakhtarka waxa uu go'aan kamadambeys ah ka gaaraa xaalad bukaan markii uu ka helo warbixin dhameestiran iyo baaritaan guud, sidaa awgeed su'aalaha aan ku weydiiyay oo aad jecleysatay inaan kuu kala cadeeyo waxyaabaha aan kala soocayo waa dhawr waxyaabood.
Mida ugu horeysa oo ah anaga ka muslimiin ahaan waan rumaysannahay jinniga inuu makhluuqaatka ilaahay abuuray uu ka mid yahay dadkane uu asiibo lagana daaweyn karo iyadoo loo adeegsanayo quraanka.
Mida xigta waxay noqon kartaa cudur maskaxeed lakin meesha aad ka sheegtay in bukaanka laga dhex hadlayo ma mid bukaanka laftirkiisa uu ku leeyahay waa la iga dhex hadlayaa mise qof kale codkiisa ayaa ka dhex maqleysaa oo si kale u hadlayo ama luqad kale ku hadlaya taasi jinni inuu ku jiro ayey u badantahay, hadii wax ka dhex hadlaya aysan jirin waxay iila egtahay dhawr waxyabood oo kala ah:
A: (Hysteria) waa waxa loo yaqaano suurada ama isyeelyeelka oo badanaa haweenka u badan khaas ahaan kuwooda da'da yar, waana cudur uu qofku isku ridi karo isagoo raba wax gooni ah in loo sameeyo ama laga dhaafo, tusaale ahaan wuxuu iska dhigi karaa qof codkii ka tagay oo aamusan, ama qof qalal qaba oo kale, ama qof indho' la'aan ku dhacday, ama qof dhaqaska ku xiran ama qof suuxsan, siyaabo badan ayuu qofku iskugu ridi karaa tana waxaa lagu ogaan karaa in qofka aad ka heysatid warbixin guud khaas ahaan marka xaaladaan uu bilaabay sida uu ahaa, mathalan hadii akhbaar dhaxdin leh loo soo sheegay oo kale, hadii ay qof is dagaaleen, ama wax alle iyo wixii saameeyn ku yeelan kara nafsadda qofka.
B: (Epilepsy) Waa qalalka sida aad ku sheegtay faahfaahinta dambe waxaad sheegtay in bukaanka inuu is badalayo in lasoo hayo inuu dareemayo taasoo laga yaabo inuu arkayo waxyaabo digniin ah oo cudurka la socdo loona yaqaano (Aura) inuu seexdo ama isduuduubo ama meel cidla ah uu indhaha ku taago, qeyliyo ama rafto, carabkiisane cuno, afka ubur ka keeno ama isku kaadiyo, kadibne uu sidiisii hore ku soo laabto.
Lakin waa in xaaladani ay aheed mid lagu yaqaano bukaanka oo ku soo laalaabato marar badan taasoo u baahan in dhakhtar loo geeyo si daawo joogto ah oo qalalka joojiso loogu qoro.
C: (Qof jinni galay) tani waa suura gal sida aad u sheegtayba in qofka laga dhex hadlayo, quraanka markii lagu akhrinayane uu rafto isagoo qeylinayo, kadibne uu sidiisii ku soo laabto markii quraanka lagu akhriyo.
Marka waxaan ku soo gabagabaynayaa in qofkani dhakhtar loo geeyo si uu baaro loona ogaado waxa hayo, aniga inta aan u maleynayo waa intaa anigoo ku dhisayo warbixinta aad soo sheegtay oo ah in bukaanka uu iska fiicnaanayo iyadoo daawo la siinin.
Wixii faahfaahin ah ama su'aalo dheeraad ah waad isoo weydiin kartaa, haduu jirane qof kale oo wax ku soo darayo ahalna wasahlan
Mahadsanid
SomaliDoc