Author Topic: Su'aal: Waxaan isku arkay xajiin gadhka?  (Read 3174 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Beeldaaje87

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan isku arkay xajiin gadhka?
« on: October 30, 2018, 04:54:13 PM »
ASC Doctor Mahdi waxan ahay nin oday ah waxan timaha iyo gadhka marsan jiray Brown Hinna afartii sano ee ugu danbeysay marka bilahan danbe waxan isku arkay cun cun iyo xajiin gadhka iyo madaxa ah markaan marsado xinnaha oo aan ka qobeysto illaa maalin ama laba maalmood. Hadana wiigagii ugu danbeeyey waxa ku soo korortay intii hore hindhiso saa’id ah marka aan marsado oo aanan weli ka qobeysan. Hadana shalayto ayan marsaday xinnihii hindhiso ma lahayn balse waxa i qalashay dhuunta oo candhuuftii ayan liqi kari waayey iyo xaji intii iyo cun cunkii oo saa’id sii noqday oo weliba ku sii fiday jidhka intiisa kale sida gacmaha oo aad moodo in irbad lagu mudmudayo. Deg deg ayan uga maydhay balse  cun cunkii iyo xajiintii iyo qalaylkii dhuuntu wuuba sii saa’day xitaa heer codkaygii isbedalay. Waxan kale oo isku arkay markaan sujuudayo salaadda wax aad moodo inuuu ka soo dhacayo qaybta hoose oo dhuunta ayaa xidhaya dhuunta markaan fadhiistona malaha wixii. Waxaad moodaa inay dhuunto debecday oo ay hoos usoo dhacayso markan wejiga dhulka dhigo. Waana meeshii aan ka dareemayey qalaylka welina waan dareemaya qalaylkii dhuunta markan liqayo candhuufta. Xinnaha aan marsaday shalayto iyo wiiggii horeba waxa la dhahaa Eagles brown Hinna. Waxan kale oo aan marsan jiray Royal brown Hinna marka ma garanayo in Royal brown Hinna asagana aan sidaas ku noqdo iyo Eagles keliya uu yahay. Fadlan adigoo raali ah doctor Mahdi si private ah ma iigu jawaabi kartaa.
Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xajiin gadhka?
« Reply #1 on: March 20, 2019, 10:46:12 PM »
Cillaanka qaarkiis waxaa lagu soo daraa kiimiko xoojinayso midabka si uusan dhakhso kaaga baab'in, dad badan ayaana Allarji ku qaba markay marsadaan, qofka wuxuu dareemi karaa cuncun, hindhiso, jirka oo bararo ama naqaska inuu dhibo, faahfaahinta daawooyinkaas ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6935.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25768
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26474
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24767
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9870
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9393
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc