Author Topic: Su'aal: Dhuunta tubooyin la iga galiyay?  (Read 3410 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hafsa abdullahi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhuunta tubooyin la iga galiyay?
« on: October 31, 2018, 08:21:49 PM »
asc walal. bilooyin ka hor ayaa dhuunta tubooyin laiga galiyay sababto ah goos ayaa laiga siibay kadib infekshen ayuu qaaday ilaa iyo dhuunta. tubooyin ayaa lgaliyay dhuunta waxan suuxsanaa labo haben iyo malin. laba bilood kadib ayan waxan isku arkay xanuun dhanka dhuunta ah markan qoslo ama qunfoco oo kale waxaa dareemaa ine cirbad u dureyso dhuunta gudaha. dhaqtar ayan tagay wuxu idhahay meesha inee boog tahay ayaa laga yaabaa maalmo kadib we iska bogsan doontaa. laakin sedex bilood ayaa kasoo wareegatay wali waa sideedii.  hadaa wax ka taqaano igu caawi walaal adoo mahadsan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhuunta tubooyin la iga galiyay?
« Reply #1 on: March 20, 2019, 10:52:06 PM »
Waa sax hadduu infekshanka goosaha aan la daaweyn, wuu malaxaystaa, kadibne malaxda waxay u soo dhaadhacdaa dhinaca qoorta iyadoo maqaarka soo dhex marto, cilladaasi waxaa loo yaqaanaa "Ludwig's angina". waxaa qofka la geliyaa tubooyin malaxdaas looga soo dhuuqayo, waxaana dhici kara in tubadaasi dhaawac ku gaarsiisay ama in malaxda qaar ka mid ah inay gudaha ku dhagaxaysatay, hadduu xanuunka illaa iyo hadda jiro waxaad u baahan tahay in dhuunta iyo qoorta lagaa saaro sawirka MRI scan si loo ogaado xanuunka aad dareemayso, laakiin badanaa markay 6 bil ka soo wareegato xanuunkaasi wuu iska baaba'aa. Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xamiiq ama xanto-xanto dhuunta ah?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7274
Last post March 25, 2016, 10:19:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15070
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhuunta Oo ixanuunto Daqiiqado Kadib 'Dhuun Xanuun"

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 18305
Last post May 20, 2012, 04:57:15 PM
by Honestboy
Su'aal: Xanuun inta u dhaxaysa naaska bidix iyo dhuunta?

Started by JamiilaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12382
Last post February 18, 2015, 01:24:31 PM
by SomaliDoc
Kansarka Jidiinka / Dhuunta (Esophageal Cancer)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 46049
Last post March 12, 2016, 08:49:48 PM
by Jaamac Garweyne