Author Topic: Isqaadasho La'aanta Dhiigga Lamaanaha!  (Read 46608 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isqaadasho La'aanta Dhiigga Lamaanaha!
« on: November 06, 2018, 01:23:02 PM »


Waxaan casharkeena maanta ku soo qaadanaynaa mawduuc muhiim u ah bulshada taasoo dad badani aysan ka war haynin, siyaabo khalad ahne loo fasirto.

Waxaa casharkaan loo yaqaanaa "isqaadasho la'aanta dhiigga lamaanaha" waa cillad ka timaada nuuca dhiigga lamaanaha isqaba oo is diidan taasoo saameyn ku leh cunuga ay dhali doonaan. Cilladaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Rh Incompatibility".

Sida aan wada ognahay dhiigga wuxuu u kala baxaa "A, AB, B, O", kadibne mid walba waxaa loo sii kala qeybiyaa (+ iyo -), markaasi waxaa soo baxaya 8 nuuc oo kala ah "A+, A-, AB+, AB-, B+, B-, 0+, 0-".

Haddii aabo dhiigiisu yahay (+) uu guursado hooyo dhiigeedu yahay (-), kadibne hooyadu ay uurka ku qaado cunug aabaha ku dhiig ah oo (+) ah waxaa dhacda in cunugaasi uu badbaado marka ugu horayso maadaama dhiigga hooyada uusan ku baraarugin dhiigga uurjiifka, laakiin marka ay foolanayso ayaa labada dhiig isgaaraan, kadibne difaaca jirka hooyada ayaa heegan buuxa la galiyaa si wixii markaas ka dambeeyo hadday markale qaado cunug dhiigiisu yahay (+) in la weeraro isagoo uurka ku jira, sidaasne cunuga ku dhex dhinto minka gudihiisa bilaha dambe uurka ama markuu soo baxo maalmo ka dib. laakiin hadduu uurjiifka ku dhiig yahay hooyada (-), wuu badbaadaa.

Cilladaani waa mid caalamku u wada siman yahay, waxaana looga hortagaa in hooyada la siiyo cirbad tallaal oo kale ah bilaha ugu dambeeyo uurka ama isla marka ay dhasho si difaaca jirkeeda loo hilmaansiiyo dhiigga uurjiifka, sidaasne uurka xiga ku badbaado.

Nasiib xumo hooyooyina badan lama soo xiriiraan xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka amaba lagama helo meelaha ay ku nool yihiin sidaa darteed arintaan dad badani kuma baraarugsana, hooyooyin badanne way ku waayaan caruurtooda iyagoo aan ogayn, waxaana dhimashada caruurtaasi isku xigxiga loo saariyaa in hooyada la sixray, la ileystay ama jinni hayo, khaasatan markuu ninka guursado haween kale oo ay u dhasho ilmo caafimaad qaba.

Way dhib badan tahay in waalidiintaas laga dhaadhiciyo in cillad nuucaan ahi inay jirto taasoo keeni karta in ilmuhu dhiman doonaan, sababtoo ah waxaa laguu arki karaa qof ka hadlayo arrimo qarsoon oo Alle u gaar ah.

Dhibka kale oo jira ayaa ah in cirbadaan qaali tahay, dadka badankoodne aysan awoodin, meel kastane aan laga heli karin, una baahan tahay in lagu xifdiyo qaboojiye.

Haddii hooyadu uur qaado iyadoo aan cirbadaas la siinin, waa inay la soo xiriirtaa xarumaha caafimaadka laga helo dhakhtar ku takhassusay uurjiifka iyo dhallaanka, sababtoo ah waxaa laga yaabaa uurjiifkaasi in dhiigayri aad u daran ku dhacdo, markaasne u baahdo in dhiig lagu shubo isagoo uurka ku jira ama in qaaliin lagu dhaliyo waqti hore si loo badbaadiyo haddii sambabadiisu ay koreen.

Fadlan haddii aad garanaysid hooyo caruur isku xigxiga iyagoo mayd ah dhashay ama foosha ka dib dhinteen ku wacyi geli jiritaanka xaaladaan si ay dhakhtar u la xiriirto loona baaro nuuca dhiigeeda iyo kan ninkeeda.


Haddii aad su'aalo qabtid noogu soo dir qeybta su'aalaha ama dhaktharka kala hadal boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal Qureec/Quraac la'aanta subaxdii caafimaad daro miyay keentaa ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 78540
Last post March 10, 2012, 02:28:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaliga qaybta keenta indho la'aanta deg degga ah?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7311
Last post June 16, 2011, 09:12:15 PM
by SomaliDoc
Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta

Started by IfrahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 50682
Last post November 06, 2018, 03:15:25 PM
by Maria111
Su'aal: Maxaa keena ugxan la'aanta dumarka?

Started by Fatxiya1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9663
Last post May 02, 2015, 12:28:50 PM
by SomaliDoc
Wacyi la'aanta xuduud ma leh - Sheeko la yaab leh

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17744
Last post October 05, 2015, 09:16:48 PM
by SomaliDoc