Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Way dilantay welina uur ma qaadin?

(1/1)

Moha bashiir:
Asc Dr waxaan kaga mahadcelinayaa dheragelinta shaqada qiimaha badan oo aad isoo bulshada u heyso waxaan ilaahay kuu weydiinayaa ajir iyo xasanaad badan kaa siiyo, hadii aan dulucda u dhadhaco Dr waxaa soo dilmay xaaskeyga iyadoo 4 bil ah aad bey u dhiig baxday waala tacaalay nasiib daro dilanka ama ilmihii kama soo wada dhamaanin, dhaqaatiirtu waxay ku latiyeen in laga soo xaaqo ilahama ku haray, waa laga soo xaaqay, kadib dilanka ku dhawaad 2 bil ah wax dhiiga ah kuma dhicin taas waxay nagu abuurty wel-wel badan nasiib wng mudo yar kadib  waxaa ku dhacay dhigii Lkn mudo yar gudahood waxaa ku dhacay labo dhiig, sidokale waxaa isbedalay waqtiga uu dhiiga ku dhici jiray oo ahayd 28-ka  hada dhiiga xiliga dhiiga waxuu u wareegay 15-ka dhiiga si caadi ah ayuu u dhacaa Lkn waxaa soo kordhay cilad cusub oo ah in ay xanuun dareento xiliga uu dhiiga dhawyahay taas oo aanan jiri jirin xiligii hore, Dr xaaskeyga waxay soo dilanty bartamaha bishii April ilaa iyo hada wax urur ah meysan qaadin maxaa nagula talineysaa maxaan sameynaa Dr 

Mahadsanid

SomaliDoc:
Hooyada markay dilanto kadib, waxaa khalkhal ku dhaca hormoonada, taasi waxaa ka dhalan karo in caadadu wareerto, xanuun yimaado amaba uurka ka soo daaho, cilladaan waa mid haweenka ku badan, horay ayaan si faahfaahsan uga hadlay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8600.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version