Author Topic: Su'aal: Way dilantay welina uur ma qaadin?  (Read 3932 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Moha bashiir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Way dilantay welina uur ma qaadin?
« on: November 06, 2018, 02:53:40 PM »
Asc Dr waxaan kaga mahadcelinayaa dheragelinta shaqada qiimaha badan oo aad isoo bulshada u heyso waxaan ilaahay kuu weydiinayaa ajir iyo xasanaad badan kaa siiyo, hadii aan dulucda u dhadhaco Dr waxaa soo dilmay xaaskeyga iyadoo 4 bil ah aad bey u dhiig baxday waala tacaalay nasiib daro dilanka ama ilmihii kama soo wada dhamaanin, dhaqaatiirtu waxay ku latiyeen in laga soo xaaqo ilahama ku haray, waa laga soo xaaqay, kadib dilanka ku dhawaad 2 bil ah wax dhiiga ah kuma dhicin taas waxay nagu abuurty wel-wel badan nasiib wng mudo yar kadib  waxaa ku dhacay dhigii Lkn mudo yar gudahood waxaa ku dhacay labo dhiig, sidokale waxaa isbedalay waqtiga uu dhiiga ku dhici jiray oo ahayd 28-ka  hada dhiiga xiliga dhiiga waxuu u wareegay 15-ka dhiiga si caadi ah ayuu u dhacaa Lkn waxaa soo kordhay cilad cusub oo ah in ay xanuun dareento xiliga uu dhiiga dhawyahay taas oo aanan jiri jirin xiligii hore, Dr xaaskeyga waxay soo dilanty bartamaha bishii April ilaa iyo hada wax urur ah meysan qaadin maxaa nagula talineysaa maxaan sameynaa Dr 

Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Way dilantay welina uur ma qaadin?
« Reply #1 on: March 24, 2019, 10:02:56 PM »
Hooyada markay dilanto kadib, waxaa khalkhal ku dhaca hormoonada, taasi waxaa ka dhalan karo in caadadu wareerto, xanuun yimaado amaba uurka ka soo daaho, cilladaan waa mid haweenka ku badan, horay ayaan si faahfaahsan uga hadlay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8600.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan rabaa inaan u tago aysanne uur qaadin?

Started by Shaakir999Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4204
Last post January 09, 2016, 04:18:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan guursaday, uurna wali ma qaadin?

Started by SalmaanuBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4058
Last post November 30, 2018, 07:42:54 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyo dilantay oo dhiig muddo 3 bilood wado?

Started by NasibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10764
Last post February 03, 2011, 05:04:30 PM
by SomaliDoc