Author Topic: Su'aal: Waa maxay faa'idada "Colostrum"?  (Read 4434 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ahmed_Carab

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 53
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay faa'idada "Colostrum"?
« on: November 12, 2018, 06:33:51 PM »
Asc .. Waa maxay faa'iidada  Colostrum?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay faa'idada "Colostrum"?
« Reply #1 on: March 24, 2019, 10:00:44 PM »
Colsotrum waa caanaha ugu horeeyo ee naaska ka yimaado markay hooyada dhasho, waxaa afkeena lagu dhahaa 'danbar', waa caanaha naaska kan ugu qiimaha badan, waxay dhallaanka u kordhiyaan difaaca jirka maadaama ay ka buuxaan walxaha jirka ka difaaco jeermiska, waxay xoojiyaan xuubka caloosha iyo mindhicirrada ku dahaaran si uusan caabu caloosha ugu dhicin dhallaanka, sidoo kale waxay jilciyaan saxarada si dhallaanka u saxaroodo yixda uu ka dhargayay inta uurka ku jirtay taasoo ah saxarada madaw ee ilmaha markay dhashaan dhigaan. waxaa intaa sii dheer faa'idooyin aad u badan oo dhianaca nafaqada dhallaanka. waa muhiim hooyo walba inay cunugeeda nuujisaa 2 sano, halkaan ka akhriso faa'idooyinka naas nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 22079
Last post February 03, 2016, 12:36:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25007
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

Started by Darmaan123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16123
Last post November 05, 2013, 10:51:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31132
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24279
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc