Author Topic: Su'aal: Calaacalaha ayaa i dub dhaco?  (Read 7116 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Katra

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Calaacalaha ayaa i dub dhaco?
« on: December 09, 2018, 08:05:43 AM »
Wan idn salamay khayr ilahay ha idn siyo.
Walal waxan mudo 10 sano ah i hayey gacmaha iyo cagaha mesha cad ee hoose inay i dub dhacan. Dubdhacas o anan wax xanun ah igu hayn dhowr takhtr wan tage o wa fungus bay i dhahen anti fungus bay iso qoran lkn waxba igama tarto wali way i diirdiirmayan wana naca foolxumadooda. Fadlan maxa kena jexjexa gacmaha iyo cagaha bilaa xanunka aha. Mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Calaacalaha ayaa i dub dhaco?
« Reply #1 on: April 04, 2019, 11:58:52 PM »


Fiiqfiiqmidda maqaarka gacmaha waxay astaan u tahay badanaa 2 cilladood, kuwaasoo ku kala duwan astaamaha qaar oo qofku dareemayo.

  • Xajiinta Gacmaha (Hand Dermatitis): waa cilladda ugu badan ee gacmaha fiifiiqo, waxayna ka dhalataa taabashada waxyaabaha qaar uu qofku xasaasiyad ku qabo ama allerji ku yahay sida saabuunta, oomada, tabaashiirta, barafuunka IWM, Waxayna u kala baxdaa nuucyo bada, dadka qaar maqaarka ayaa kadkaduud yeesha, kadibne wuu fiiqmaa, dadka qaar maqaarka ayaa adkaado, kadibne wuu fiiqmaa, dadka qaar bacoolo ayuu yeeshaa kadibne wuu dilaacaa, wayna fiiqfiiqantaa, faahfaahin ku saabsan ku cilladaan iyo sida loola tacaalo, ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1091.0
  • Bacoolaha Gacmaha (Pompholyx): cilladaan
  • Dubdhaca Maqaarka Gacmaha (Keratolysis Exfoliativa): Cilladaan waa mid iyadane bulshada aad ugu badan, waxaana badanaa lagu qaldaa midka kore ee Allerjiga ka dhasho, laakiin waa cillad maqaarka ku dhacdo taasoo lagu garto fiiqfiiqmidda maqaarka gacmaha iyo cagaha, dhaxal ayay noqotaa inkastoo illaa iyo hadda qaabka ay ku timaado iyo waxa sababo aan la garanayn, waxayna ku badan tahay dhalinyarada. Cilladaan waxaa badanaa la isku arkaa xilliga kuleelaha, waxayna ku badan tahay dadka gacmaha ka dhidido, akhris qoraal ku saabsan waxyaabaha keeno gacmo-dhididka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0
    Cilladdaan waxay kaga duwan tahay midda kore inay ku bilaabato nabro fiiqfiiqmayo oo kale, waxaana badanaa lagu arkaa faraha foodooda iyo kalagoysyada faraha, laakiin cilladda allarjiga ee kore gacamaha oo idil ayaa wada fiiqfiiqmayo, wayna gaduudanaysaa gacmaha, sidoo kale daawooyinka xasaasiyadda loo qaato cilladaan waxba kama tarto.

    Cilladaan waxaa lagu daaweeyaa daawooyinka ka hortago fiiqfiiqmidda maqaarka ee loo yaqaano "Emollient hand creams khaasatan kuwa ay ku jiraan maadooyinka kala ah "Urea, Lactic Acid ama Silicone-ka", meelaha qaar waxaa lagu daaweeyaa ilayska nooc ka mid ah "Photochemotherapy".

Casharkaan maxaa laga faa'idaysanayaa?
In la ogaado gacmo walboo fiiqma inaysan xasaasiyad ama Allerji ahayn, sidoo kale daawooyinka xasaasiyadda ahne haddii gacmahaaga wax ka tari waayaan inay cilladdu adigu tahay ama daawadu qaldan tahay, sababtooo ah badanaa labadaan cilladood waa la isku qaldaa, daawadooduna way kala duwan tahay.

Wixii su'aal aad qabtid ama faahfaahin ah, fadlan ku soo dir qeybta su'aalaha ama boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: