Author Topic: Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?  (Read 20825 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dhamme.Dhiza

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?
« on: November 22, 2018, 03:21:07 PM »
Marka Hore dhamaan waad slaamantihin
Waxaanad ku mahdsan tihiin hawshaad u haysaan bulshada ee aad u hagarli'i ugu Shaqynysaan
Marka xigTa Waxan Qabaa su?aal
Ma La Ia Ogaan Karaa Gabdhaha miskaha yar yar amaba ma jirtaa astaaamo lagu garan karo ......jawp Zugan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?
« Reply #1 on: March 31, 2019, 12:02:32 PM »
Sababta ugu muhiimsan ee loo ogaanayo in gabadhu leedahay misko yar iyo in kale waa inay si dabiici ah u foolan karto, una dhali karto, taasina badanaa lama ogaan karo illaa foosha la gaaro ama bilaha ugu dambayso la galo mooyee, markaas raajo ayaa la saaraa hooayda uurka leh, waxaana la isku fiiriyaa in madaxa cunuga iyo kafka hooyada ay isla egyihiin oo cunuga soo mari karo, baaritaankaan badanaa looma sameeyo hooyo kasta oo qofkii laga shakkiyo ama qoyskiisa dhaxal ahaan miskahooda yar yahay ayaa lagu sameeyaa..

Haddii madaxa cunuga iyo miskaha hooyada isla ekaan waayaan, cilladaasi waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Cephalo-Pelvic Disproportion", taasoo macnaheedu yahay madaxa iyo miska oo aan isla ekayn.

Gabadha inta aysan uur yeelan, lama go'aamin karo inay qalliin ku dhali doonto ama foosha dhibi doonto iyo in kale, sababtoo miskaha xilliga foosha way kala baxaan, waxay kaloo ku xiran tahay cabirka madaxa cunuga sidaa darteed hooyo walba oo miskaheedu yar yahay inay qalliin u baahan tahay ma ahan, halkaan ka akrhiso qoraal ku saabsan qaabka go'aanka qalliinka lagu gaaro markay arrintaan dhacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Halyey9

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?
« Reply #2 on: April 06, 2019, 01:26:51 AM »
Marka Hore dhamaan waad slaamantihin
Waxaanad ku mahdsan tihiin hawshaad u haysaan bulshada ee aad u hagarli'i ugu Shaqynysaan
Marka xigTa Waxan Qabaa su?aal
Miisankeygu haduu ka yaryahay 60 waana 57-58 dhiig ma ku deeqi karaa


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107213
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64666
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29684
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33712
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21247
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc