Waa maxay Baabasiir?Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.
Calaamadaha:Calaamadaha lagu yaqaano waa:
- Cuncun agagaarka futada
- Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo
- Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib
- Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada
- Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon
Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horeysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.
Sababaha:Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada. Haddii taasi kugu
dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado, waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noocaasoo kale ah. Waxay u badan tahay in taasi la
xiriirto kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah.
Babaasiirtu kama timaado fadhiga lagu fariisto meel adag oo qabow, sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah.
Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) ee futadu waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha. Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxireyaal, waxana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.
Cilad-sheegidda:Dadka intiisa badan ee leh babaasiirta way gartaan calaamadaha lagu yaqaano. Weydii farmasiilaha la-talin, haddii aad shaki qabtidna u tag Dhakhtarkaaga.
Haddii aad qabtid dhiig-bax aan sababtiisa la garanaynin oo ka yimid malawadka ama futada, waa in Dhakhtarkaaga ku arko wakhtiga ugu dhakhasaha badan ee suurogalka ah.
Daaweynta:Dadka intooda badan ee qaba babaasiir waxay ku tahay khafiif ah waxana lagu daaweyn karaa daawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan kuwaasoo calaamadaha la isku arkay wax ka qabta. Babaasiirtu ugu dambeynta iyadaa iska tagi doonta daawo la’aan.
Babaasiirta ka timaada uurka caadi ahaan way iska tagtaa ka dib marka ilmuhu dhasho.
Calaamadaha waxa lagu daaweyn karaa daawooyin khafiifiya xanuunka, kuwaasoo badanaa qaabkoodu yahay labeen ama boomaato ama dabo-galis (suboosto).
Corticosteroids ayaa badanaa lagu labeeyaa daawooyinka xanuun-biiye goobeed ah waxana ay waxtar leeyihiin mudo gaaban (ilaa 7 cisho). Laguma taliyo in la isticmaalo mudo dheer ama lagu isticmaalo caruurta.
Marka babaasiirtu sidaa u sii daran tahay, waxa laga yaabaa in qalitaan ama daaweyn kale ay lagama-maarmaan noqoto. Babaasiirta oo qalitaan lagu jaro waxa la yiraahdaa babaasiir-jaris (haemorrhoidectomy). Babaasiirta inteeda badan laguma daaweeyo babaasiir-jaris, sababta oo ah hab beddelaad ah oo waxtar leh ayaa jira kaasoo ah ku-xiris duub rabar ah. Marka habkan la isticmaalayo, duub rabar giigsan ayaa lagu wareejiyaa qoorta babaasiirta si dhiiggii u imanayay ka joogsado ka dibna ay u ururto. Hababka kale waxa ka mid ah ku-duris daawo keenaysa in dhiiggu xinjirobo, burburis iyadoo la isticmaalayo baraf-ka-dhigid iyo daaweyn la isticmaalayo laysar.
Babaasiir-jarista waxa la isticmaala marka ay babaasiirtu weyn tahay ayna gudaha ku jirto.
Qalitaanka hawshii waxa ka mid ah xarig giigsan oo lagu wareejiyo salka babaasiirta si loo xakameeyo dhiig-baxa iyo xagga sare oo laga jaro. Taasi waxay keenaysaa inay jiraan qaybo gidaarka mindhicirka ah oon diir lahayn waxana qarin doona xuubka gudaha ee caadiga ah (epithelium) gudaha saddex ilaa afar todobaad. Inta lagu jiro mudadaan, waxa saxarada jileec lagaga dhigaa isticmaalka waxyaabaha biyaha xejiya sida ‘methyl cellulose’.
Badanaa natiijooyinka habkaa laga helo waa kuwo fiican, kaliyana tiro yar oo ah dadka laga qalay ayaa isku arka calamaadaha babaasiirta oo soo noqda. Inta lagu jiro mudada wax yar ka dambeysa qalitaanka, waxa laga yaabaa in ragga ay dhib ku noqoto kaadidu in mudo ah
waxana laga yaabaa in saxarada xoogaa la ceshan.
Ka-hortagga:Ma jirto hab hubaal ah oo lagu joojiyo babaasiirta, laakiin cunto leh duf ama buushe badan ayaa wax wanaagsaan ah oo lagaga bilaabo ka-hortagga. Waxa taasi yareynaysaa halista caloosha oo joogsata iyo saxarada oo dhib iyo ducasho lagu soo saaro taasoo keeni karta
babaasiir.
Talooyinka guud waa:
- Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah ama cusub (ugu yaraan shan qaybood maalin walba)
- Iska yaree baruurta (gaar ahaan dufanka xayawaanka), cuntada sonkorta leh, cuntada aad looga sii shaqeeyay ama la warshadeeyay
- Cun cunto badan oo ah nooca digirta (sida digirta yaryar, digirta waaweyn, iyo digirta leh miraha balbalaaran)
- Cun wax badan oo ah cuntooyinka laga sameeyay miraha ama xabuubka kaamilka ah ama dhameystiran (sida noocyada rootiga/rootiga ee laga sameeyay xabuubka kaamilka ah, ama baasta iyo siriyaalka xabuub kaamil ah laga sameeyay)
- Khamriga ka fogow
Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan.
Babaasiirta gudaha ee dibadda u soo baxday waa in la celiyo, haddii ay suurogal tahay, iyadoo la isticmaalayo cadaadis khafiif ah oo faraha ah. Waa in taa la sameeyo iyadoo la jiifo. Haddii babaasiirtu aanay dib u noqonin, ama ay kugu hayso dhibaatooyin ku dhibaya,
waxa laga yaabaa in loo baahan yahay daweyn.
Cuncunka iyo raaxo-darada ka timaada babaasiirta waxa lagaga nafisi karaa noocyo kala duwan oo ah dabo-galis (subooso) iyo labeen ama boomaato. Kuwaasii waa tallaabooyin lagu daaweynayo calaamadaha laakiin ma bogsiinayaan xaaladda ku haysata.
Fiistulada Dabada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.0.html
Wixii su'aalo aad qabtid iigu soo dir halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com