Author Topic: Liinta oo lagu dhibciyo Indhaha - Muhiim!  (Read 26153 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Liinta oo lagu dhibciyo Indhaha - Muhiim!
« on: November 27, 2018, 01:33:16 PM »


Liintu waa miro faa'ido badan u leh jirkeeda, horayne waxaan uga hadalnay faa'idooyinka caafimaad ee laga helo oo aad link-gaan ka akhrisan kartaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0

Intaas kadib, bulshada qaar ka mid ah ayaa liinta u isticmaala indhaha iyagoo aaminsan in xanuunka daafka ay daawo u tahay oo jeermiska lagu dilo, sidoo kalane in indhaha inay nadiifiso oo wasakhda ka soo saarto maadaama qofka uu aad u ilmeeyo.
Link-gaan ka ogow waxa uu yahay daafka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1121.0

Liinta waxaa ku jirta maaddo aashito ah oo loo yaqaano "Citric Acid" taasoo xuubka indhaha dhaawici karta haddii la joogteeyo, sidaas darteed laguma taliyo mana habboona in indhaha lagu dhibiciyo liinta.

Haddii indhuhu ku xanuunayaan, fadlan dhakhtar la xiriir si laguu baaro, kadibne daawada ugu haboon laguu qoro, haddiise aad u baahan tahay faa'idada liinta waxaad heli kartaa adigoo cuna ee indhaha ha ku shubin.

Qoraallo xiriir la leh:

Su'aalaha caafimaad waxaad ku soo diri kartaa qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106884
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64453
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29265
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53574
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34486
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca