Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Ma isticmaali karaa Hemoton Syrup?
(1/1)
Ahmed_Carab:
Asc .. waxaan dareemayaa in maadada birta (Iron) igu yartahay, anigoo dareemaya (sometimes) wadna garaac aan zaa'id aheyn, mararka qaarna (faruurta) bushinta ayaa i casaada, marka ma isticmaali karaa sharoobada Hemoton ayadoon dhakhtar iisoo qorin?
Mahadsanidiin.
SomaliDoc:
Inta aadan isticmaalin daawada dhiigga soo celiso, fadlan xarun caafimaad tag oo iska baar heerka birtaadu ay marayso sababtoo ah daawooyinka dhiigga soo celiyo haddii jirka ka bataan waxay keenaan xanuun la yiraahdo "Hemochromatosis" taasoo beerka waxyeellayn karto, sidoo kale ganaca ayay howlgabin kartaa, waxaana kugu dhici karo xanuunka macaanka.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version