Author Topic: Su'aal: Xanuun kaadi-haysta illaa inta ka hooseyso?  (Read 4856 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qoorgaab120

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuun kaadi-haysta illaa inta ka hooseyso?
« on: November 30, 2018, 02:03:31 PM »
Asc: Dhaqatirta Somaliyed wan idiin mahadcelinaa sida wanagsan ee mutadhawacnimada ah ee aad bulshada  aad uga haqab-tirtaan intii karaankina ah Baahida Caafimaad, mahdsanidiin.
Markaan su'aasheyda usoo laabto waxaan isku arkay,  xanuun kaadi-haysta ilaa inta ka hooseeyso, marmar waxan ku dhibtoodaa sidaan u bilaabi lahaa kaadida waxad moodaa in ay dib u laabaneyso, way go'godaa waxan dareema in aysan iga dhamaan, waxan dareema xanuun gaar ahaan markaan jiifo lkn markaan socdo ila intaan doono wan haysa karaa kaadida, mararka qaar markaan suulida ka baxo waxan ka dareemaa kilida bidix ama 2kiliba  wax kuleel camal ah.
 Markaan aqriyay casharka prostitis ka ku saabsan qaar badan oo calamadaha ah ayan isku arkay lakin da'daas magaarin 27 sano ayan jiraa.
Waxan dareemayay kaadi go'go ilaa waqti dheer lkn xanuun kle ma jirin,
Marka majiraa cudurkale oo ku dhaco isla meeshaas oo u eg? sideese? Loo baaraa loona daweeyaa?.

 mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun kaadi-haysta illaa inta ka hooseyso?
« Reply #1 on: March 28, 2019, 08:30:29 PM »
Haa, qaabka laguu hayo iyo da'da aad jirto markaan isku fiiriyo waxaan u badinayaa cilladaada inay tahay "Ciriiriyowga Ibta", afka qalaadne lagu dhaho "Urethral Stricture", waa cillad aan badanaa laga aqoon xanuunka qanjirka prostate-ka laakiin dhalinyarada ku badan maadaama cilladda qanjirka ay ku badan tahay dadka waaweyn, faahfaahinta ciriiriyowga ibta ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1865.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 37742
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 37511
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 27820
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 46878
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33602
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc