Author Topic: Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!  (Read 291221 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!
« on: December 05, 2018, 08:41:26 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa maanta waxa haweenka qaar u yaqaanaa "umulosibyan" ama "ummusibyan".

Haweenka qaar waxay umulosibyanka ka aaminsan yihiin bahal, ama jinni minka ku dhex nool oo ilmaha ka soo rido hooyada ama u diido inay uur qaado, waana arrin khuraafaat ah oo aan sal iyo raad toona caafimaadka ku lahayn, haween badanne laga dhaadhacsiiyay.

Haween badan oo dhakhtarnimo ku qaraabto oo umulosibyaanka inay daaweeyaan sheegto ayaa arintaan ku shaqeysto, hooyooyinkane lacag badan kaga qaato in bahalkaas laga soo saaro si ay uur u qaado, dilanka soo noqonqdayne uga gudubto waana arrin aan waxba ka jirin.

Halkee ka soo jeedaa sheekada "Ummulosibyanka"?
Sheekadaan ummulosibyanka ma ahan wax u gaar ah bulshadeena kaliya, meelo kale oo sidaas looga aaminsan yahay ayaa jira sida dalalka Indonesia, Malaysia iyo wadamada carabta qaar, taasoo qolooyin kala duwan ay kaga macaashaan bulshada waxayna sheegaan in "ummulosibyanku" yahay jinni u gaar ah caruurta oo haween ah, kaasoo ilmaha markii la abuuraba ceeji ku qabto, sidaasne ay hooyada ku dilanto, sidaas darteed hooyooyinka lacago ayaa laga qaataa si looga quraamiyo jinnigaas, meesha soomaalidane ay yiraahdaan, jinniga laftirkiisa ayaa gudaha lagu dilayaa si uu u soo dhaco, kadibne waxaa hooyooyinka qaar la tusaa sawirro u eg sidii doolliga oo kale oo dhinacyada madaxa ku leh dhibic madaw sidii isha oo kale.

Taasina waa abuurkii uurjiifka oo aan weli dhameestimin, ee ma ahan jinni iyo bahal toona, caruurta markuu Alle abuurayo waxay maraan marxalado kala duwan, marka horane uma eka bini'aadan sidaa darteed hooyooyinka aan aqoonta lahayn waa la siri karaa markii la tusiyo sawirradaas ama iyadaaba isku nixi karta markay aragto inay ka soo baxeen wax bahal u eg.

Dadka ku qaraabto arrimahaan waxay soo daliishadaan xadiith ay dhaheen rasuulka NNKH ayaa laga soo wariyay kaas uu kaga hadlay inuu jiro jinni la dhaho "Ummusibyan" oo caruurta soo rido, laakiin waa xadiith been-abuur ah oo aan waxba ka jirin, culumadane horay ayay dhowr jeer uga hadleen.

Taladaydu waa in hooyooyinka ka cabanayo dilanka iyo uur la'aanta inay dhakhtarka la xiriiraan, kana fogaadaan arrimahaan aan diinta iyo caafimaadkaba shaqo ku lahayn.

Waxaa dhacda mararka qaar in hooyada minka laga gaarsiiyo dhaawac iyadoo la leeyahay, ummulsibyan ayaa lagaa soo saarayaa, taasoo keeni karta dhiigbax iyo inay dib dambe u dhali wayso.

Waxaa jirka xaalado badan oo keeni kara in hooyada ay dilan la kulanto kuwaasoo u baahan daaweyn, faahfaahinta waxyaabaha dilanka soo noqonoqdo keeno ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0

Waxaa kaloo jira xaalad loo yaqaano "uurjiifshuuq", taasoo haweenka qaar lagu arko, afka qalaadne lagu dhaho "Molar pregnancy", faahfaahinteeda ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4093.0


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23152
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 2
Views: 30224
Last post December 08, 2012, 08:50:56 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78154
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53535
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxa idhabay finanka wajiga anigon waxba marin wajiga?

Started by XaliimoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15654
Last post February 10, 2016, 03:35:36 PM
by SomaliDoc