Author Topic: Su'aal: Naaso xanuun joogto ah?  (Read 3106 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cudbiaxlaam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Naaso xanuun joogto ah?
« on: April 02, 2019, 01:16:37 PM »
Asc doctors, Allah cimriga iyo caafimaadka ha idiin siyaadiyo intaad nooshihiin.
Maadaama bulshada uga faaiidaynaysaan cilmiga alle idin baray waxaan rabaa inaan suaal idin waydiiyo.

Doctor Waxaan ahay gabar 20 jir ah, mudo sadex sano ah ayaan guri leeyahay oo lay qabaa ninkayga galmo joogto ah ilama sameeyo yacni habeen kasta , lkn usbuucii ugu badnaan 2 jeer ayaan isu tagnaa.

Lkn suaashayda waxay tahay.
Mudo imika laga joogo 2 bilood waxaa i xanuunaaya naasaha , astaamaha aan isku arkay waxaa ka mida :-
Naasaha oo i bararay
Damqasho
Xanuun aan i daynayn
Wakhti kasta way i xanuunaan habeenkiise ayuu xanuunku badan yahay .

Intaas ka dib ninkayga wuxuu i geeyey dakhtar dumar ah ka dibna dhakhtaradii waxay ii dirtay shaybaar dhakhtar kale oo computer ayaa naasaha layga saaray , natiijadii waxay noqotay inay dhaheen waxba ma qabtid , Alxamdulullah
Ka dibna daawooyin ayay ii qoreen ay dhaheen infakshan yar ayaa ku haya ee soo dhamayso, ilaa hadana waan wadaa daawadii lkn naasaha wali way i xanuunaayaan oo jiif iyo joog waan xamili kari la"ahay .

Allah janatul fardawsa ayaan idiinka baryaayaa ee ii soo jawaaba




Offline Cudbiaxlaam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naaso xanuun joogto ah?
« Reply #1 on: April 06, 2019, 12:18:45 PM »
Dictors wali waxaan idinka sugaayaa jawaab
Khayr badan illaahay ha idin siiyee ii dhakhsada naasaha xanuunkooda waa dhibaato aan dareensahay mar kasta

Offline Deqacadey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naaso xanuun joogto ah?
« Reply #2 on: April 06, 2019, 08:59:12 PM »
Asc walalshey Horta alle haku caafiyo. Baritaan hormoonada ah Isku sameey   Labada naas. Hadey ku xanuunayan. Waa cilad hormoon Aniga Xata kula Mid baan ahey.

Offline Cudbiaxlaam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naaso xanuun joogto ah?
« Reply #3 on: April 07, 2019, 01:40:03 AM »
Deeqa mahadsanid wll , lkn naasaha computer ayaa layga saaray waxaana laygu dhahay waxba ma qabtid balse walaal drs tii baadhitaanka computer ka ii dirtay markaan ku soo laabtay ee tusay warqadii qolada computer ka i saartay ee aan dhahay waxba ma qabo ayaa lay soo dhahay

Iyada waxay ii qortay daawooyin ay i tidhi infakshanka yar ayaa jira ee cun daawooyinkaas wali waan wadaa daawadii.

Lkn waxaan dhakhaatiirta sharafta badan ka codsanaayaa inay ii soo jawaabaan oo wax ii bidhaamiyaan


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34360
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 33493
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 24545
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 42880
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30463
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc