Author Topic: Astaamaha Diiqada / Niyadjabka Caruurta.  (Read 33570 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Astaamaha Diiqada / Niyadjabka Caruurta.
« on: December 12, 2018, 08:58:55 PM »


Bismillah,

Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay stress-ka ama niyadjabka ay la kumaan caruurta iyo siyaabaha lagu fahmo, midka ku dhaco dadka waawayn horay ayaan uga hadalnay ee halkaan ka akrhiso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in caruurtu aysan diiqad iyo niyadjab toona aqoon maadaama ay yar yihiin oo wax ay ka fakaraanba aysan jirin, laakiin taasi waa fikrad khaldan. Caruurta way u nugul yihiin stress-ka, wayna dhib badan tahay in si sahlan lagu ogaado hadduusan waalidka aaminsanayn in caruurtiisa stress ku dhici karo.

Waxyaabo fudud oo dadka waaweyn u adkaysan karaan ama la tacaali karaan ayaa caruurta niyadjab u keeni karo, laakiin waxyaabaha ugu badan ee caruurta saameynta ku reebo waxaa ka mid ah:

  • Ilmaha oo iskuulka lagu dhibaateeyo ama lagu boocboocsado, taasoo mararka qaar ka cabsadaan in waalidka la wadaagaan dhibkaasi haysta.
  • Guriga oo buuqsan, waalidiinta oo is dagaashan, furriin guriga ka dhaco iyagoo caqli leh, hooyadood oo hortooda lagu dhibaateeyo ama lagu garaaco.
  • Caruurta oo waalidkood laga kaxeeyo khaasatan hooyada, loona geeyo qof uusan aqoon.
  • Caruurta oo niyadda laga jabiyo, jirkooda ama maskaxdooda oo lagu ceebeeyo, taasoo keeni karto in bulshadak a go'aan.
  • Isbadal nolosha caruurta ku yimaado si lama filaan ah sida in gurigii ay ku caqliyeysteen in laga guuro, kadibne asxaabtii uu yaqaanay uu waayo.
  • In qof uu jeclaa uu waayo ama dhinto sida saaxiib ama waalid.
  • Caruurta oo sabab la'aan la garaaco ama lugta laga xiro, faahfaahinta ka akhriso qoraallada hoose.
  • In caruurta la saaro mas'uuliyad aysan xamili karin kadibne lagu ciqaabo haddii ay ka qaabiyeen.

Waxyaabaha lagu fahmo inay ilmuhu niyadjab la soo darsay ama xaald stress ah ku jiraan waxaa ka mid ah:
  • Cunto xumo iyo madax xanuun
  • Isku kaadin aan horay loogu aqoon
  • Hurdo xumo iyo qaraw
  • Calool xanuun iyo matag joogto ah oo aan cudur keenin
  • Cabsi cusub oo laga qaado waxyaabo caadi u ahaan jiray sida mugdiga, kalinnimada iyo dadka cusub.
  • Fakar iyo maqnaansho weliba markii lala hadlayo
  • Oohin aan sabab lahayn
  • Waxbarashada oo si lama filaan ah ugu liitay.
  • Madax adayg iyo dabci qallafsan oo aan horay loogu aqoon.
  • In dabci caruurnimo ah uu ku laabto.
  • In cunuga uu hooyadiis ka ag fogaan waayo ama uu ku dhagan yahay mar walba tanoo ah arrin cusub.

Sidee waalidka ula tacaali karaa caruurta nuucaan ah?
  • Dhibaatooyinka badankood ee caruurta raadka ku reebo waxay ka dhashaan gurigooda sidaa darteed waxaa muhiim ah in waalidka ku dadaalo siduu guriga uga dhigi lahaa mid nabad iyo naxariis caruurtu ka helaan.
  • Caruurta oo lala sheekeysto ama la dhagaysto waxay ku caawisaa waalidka inuu ogaado xaaladda caruurtooda ay ku sugan yihiin, wuxuuna ku dhiiran karaa inuu u sheego waxyaabo uu is leeyahay haddii aad sheegtid waa lagu dilayaa.
  • Waalidiintu waa inay iska ilaaliyaan in caruurta hortooda isku dagaalaan ama isku dilaan, dhibkoodane waa inay ka qarsadaan caruurta.
  • Ka taxaddar barnaamijyada ay caruurtu ka daawadaan TV-yada iyo shaashadaha taasoo dhibaatooyin baaxad weyn leh ka dhaxli karaan.
  • Caruurta kala tasho isbadallada noloshooda ku soo socdo, una sii sheeg si ay diyaar u ahaadan sida haddii la guuri rabo ama guriga lagu kala tagi rabo.
  • Caruurtaada ku beer kalsooni iyo inay qiimo ka leeyihiin agtaada iyo bulshada ay ku dhex nool yihiin, kana ilaali erayda niyadjabka ku abuuri karo sida "doqon ayaa tahay", wax-ma-tare ayaa tahay", "hebel ayaa kaa fiican", weligaa wax noqon maysid" IWM.
  • Caruurta u ogolow mararka qaar in ra'yi yeeshaan, haddii ay saxan tahayne in ra'yigooda la qaato, taasi waxay siinaysaa kalsooni fiican, haddii stress kala kulmaan go'aan ay qaateen way u fudud daahay inay la tacaalaan.
  • Haddii ay dhib kugu tahay inaad fahantid xaallada cunugaaga ku sugan yahay, waxaad talo ka raadin kartaa dhakhaatiirta ku takhassusay cilmu-nafsiga caruurta khaasatan haddii aad ka dareentid dhaqamo kaa yaabiya ama aadan fahmi karin khaasatan hadduu cunuga diido inuu guriga ka baxo, bulshada ka go'o, waxbarashadooda oo hoos u sii socoto, caajisnimo iyo dadaalkii lagu yaqiinay uu joojiyay iyo xanaaq iyo dagaal aadan uga baran.

Akhriso qoraallo muhiim ah oo la xiriiro casharkaan.
Caruurta oo la garaaco: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6496.0
Caruurta oo la xabiso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4049.0


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23638
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33884
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10461
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23570
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14103
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc