Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Daankoo kala baxo xilliga hamaasashada?

(1/1)

Caydiid:
Asc wr wbr

Mamaday ayaa waxay ka cabanaysaa hurdo la'aan muddo dheer ah, kadib waxay isku aragtay markay hamaansato iyadoon hurdana jirin inuu daanku kala boodo gaar ahaan midka midig dabadeed gacanta ku qabato.. maxaa u sabab ah ama keeni kara daanka kala boodaya iyo hurdo la'aanta mudada dheer ah?

Mahadsanid

SomaliDoc:
Kalagoyska daanka oo kala baxo markuu qofka hamaansado waa cillad badanaa lagu arko dadka horay qallin ama farsamo afka iyo ilkaha horay u maray maadaama afka aad loo kala qaado taasoo keeni karta murqaha iyo seedaha isku haayo kalagosykaas inay dabcaan, haddii ay arintaan soo laalaabato waxaa lagu xallin karaa qaaliin lagu xoojinayo seedahaas si kalagoyska u kala bixin markuu qofka hamaansado.

Waxay maamada u baahan tahay dhakhtar ku takhassusay cilladaha lafaha wajiga ee loo yaqaano "Maxillo-Facial Surgeon".

Navigation

[0] Message Index

Go to full version