Author Topic: Xanuun Waraqda / Saracda Laga Dareemo..  (Read 30161 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xanuun Waraqda / Saracda Laga Dareemo..
« on: December 16, 2018, 08:59:01 PM »


Bismillahi,

Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cillad badanaa bukaannadu ku wareeraan, dhakhaatiirtuna aysan ku baraarugsanayn waa xanuunka laga dareemo waraqda ama saracda (meesha u dhaxayso gumaarka lafta bisqinta iyo meesha cajarka/bowdada ka billawdo).

Waxyaabo badan ayaa keeno in xanuun laga dareemo meeshaas, laakiin waxaan ka hadlayaa kaliya xanuunka la dareemo markuu qofka lugta kor u qaadayo ama fadhiga ka toosayo ama isgadinayo isagoo jiifo, Xanuunka wuxuu u qaab eg yahay sidii meel dillaacayso oo kale oo qofka gacanta ayuu ku celiyaa markuu aad u qabto xanuunka iyo markuu lugta dhaqaajinayo.

Cilladaan waxaa badanaa lagu arkaa hooyooyinka markay fooshaan iyo markay uurka leeyihiin weliba ay cuslaadaan, waxaa kaloo lagu arkaa ragga qaarkood khaassatan kuwa ciyaartoyda ah oo banooniga ciyaaro ama kuwa xammaasho ama culeysyada qaado.

Cilladdu qaababka ay ku timaado waxaa ugu caansan 3 siyaabood oo kala ah:

Kala-sikashada lafta gumaarka / bisqinleyda (Separated Symphysis Pubis):
Cilladaan waa mid u gaar ah dumarka, taasoo haweenku isku arkaan foosha ka dib, waxayna ka dhalataa cunuga markuu soo dhex marayo miskaha inay kala sikato lafta ku aadan meesha shuunka ama bisqinta ee loo yaqaano "symphysis pubis", badanaa waxay ku dhacdaa hooyooyinka ilmaha miisaankooda culus dhalo ama xoog lagu fooliyo ama foosha ku daaho ama ilmaha si qaldan kafka u soo galo, hooyadu waxay dareentaa sidii lafta inay jabtay oo kale, xanuunkane wuxuu hayn karaa 3 illaa 8 bilood, haddii iyadoo safiican u biskoon ay horay ka qaado uur kale, xanuunka wuxuu noqdaa mid raago oo aan si dhakhso ah ku baab'in, hooyooyinkaan waxaa lagula taliyaa inay sameeyaan jimicsi lafahaas isku keenayo kaasoo ah in dhabar dhabar u jiifsato, lugaha soo laabto, kadibne barkin dhex geliso inta u dhaxayso lugaha iyo barida kadibne lugaha ku soo riixdo barkinta iyadoo xusullada isku celinayso, taasi waxay isku soo celinaysaa lafihii kala sikaday, xanuunkane wuu ka yaraan doonaa, waa inay sidaa sameyso bilaha ka dambeeyo foosha. haddii taas ay wax tari wayso waxaa jira suun loogu talagalay cilladaan oo hooyooyinkaasi xirtaan, laakiin ma ahan cillad u baahan qalliin ama kab toona.

Dhaawaca am dillaaca seedka saracda ku jira (Groin ligament tear):
Cilladaan ragga iyo dumarka way u wada siman yihiin, waxay ka dhalataa lugaha oo la kala jiido ama kala tago khaasatan waxaa isku arko ragga banooniga ciyaaro weliba markay muddo ugu dambaysay ama hooyada lagu fooliyo sariiraha caadiga ah oo lugaha loo kala celiyo, tan waxay keentaa in seedka uu kala jiidmo kadibne uu dhaawac ama dillaac soo gaaro, middaan xalkeedu waa inaadan jimicsi lugahaaga kala geynayo in aadan samayn inta seedkaasi ka raysanayo, midda kale hooyadane waa in lagu fooliyaa sariirta ama kurisga dhalmada loogu talagalay iyadoo aan xoog loo adeegsanin.

Eernada Saracda Gasho "Inguinal Hernia"
Cilladaan ragga ayay ku badan tahay, haweenkane way isku arkaan, waa cillad ka dhalata in mindhicirrada caloosha ku jiro ay soo cadaadiyaan muruqa dabacsan ee saracda ku jiro, cadaadiskaas waxuu samaysmaa markuu qofka wax culus qaado waxaana badanaa lagu arkaa ragga xammaaliga ah, xanuunkaane waxaa badanaa la dareemaa markay eernada billaabanayso oo jidka falanayso, qofkane markuu jiirto ama qufaco wuxuu dareemayaa inay saracda soo kuusanayso, sidaas ayaa lagu fahmi karaa cilladaan, markay sidaasi u cusub tahay waxba laguma sameeyo waxaa lagula taliyaa qofka inuusan wax culus qaadin, qufaca badan iska ilaaliyo, jiirashadane ka fogaado oo calooshiisa jilciiyo, laakiin haddii ay soo baxdo waxay u baahan tahay qalliin in lagu saxo.

Sidee lagu ogaan karaa cilladahaan?
Cilladda 1-aad waxaa lagu ogaan karaa in miskaha raajo la saaro, kadibne la fiiriyo qiyaasta u dhaxayso labada laf ee gumaarka intay kala sikadeen, qof walba ma fahmi karo waxay u baahan tahay qof aqoon u leh inuu raajadaasi kuu akhriyo.

Cilladda 2-aad waxaa lagu fahmi karaa kumbuyuutarka "Ultrasound" iyadoo lagu eegayo seedka ama muruqa dhaawaca gaaray inkastoo hadduu dhaawaca khafiif yahay aan si dhakhso ah loo fahmi karin oo qofka u baahan karo sawir ka sarreeyo sida MRI oo kale.

Cilladda 3-aad waxaa lagu fahmi karaa wiisitada dhakhtarka markuu samaynayo iyo computer-ka ultrasound-ka, waa arrin si fudud loo fahmi karo, qofka laftirkiisa wuu dareemi karaa markuu qufaco in xanuunka dillaaca camal ah uu dareemayo iyo in kale, meeshane ay soo kuusanayso.

Talada SomaliDoc
Ogow meeshaas waxaa laga dareemaa xanuunno kale laakiin qaabka loo dareemo way ka yara duwan yihiin kuwaan aan ka soo sheekeeyay, waxaa xanuunadaas ka mid ah: dhagaxaanta galo lisaha "ureter" oo ah tubada killada iyo kaadi-heysta isku xirto, Caabuqa xiniiniyaha ee "Epididymo-orchitis", Caabuqa ku dhaco haweenka khaasatan midka galo tubooyinka iyo ugxansidaha iyo xanuuno kale. sidaa darteed waxaa muhiim ah markaad dhakhtar u tagaysid ina si qoto dheer ah uga warbixisid xanuunka aad dareemaysid iyo astaamaha kale ee la socdo intaba.

Wixii faahfaahin intaa dheer, waxaad igala soo xiriir kartaa qeybta farriimaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Inta jirna Allaha Caafiyo. Amiin.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33207
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32235
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23431
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41555
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29365
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc