Author Topic: Xanuunkii Dhakhaatiirtu Ku Sheegtay Trump!  (Read 36364 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xanuunkii Dhakhaatiirtu Ku Sheegtay Trump!
« on: May 23, 2017, 08:22:32 AM »


Bismillah,

Waxaan maanta ka hadlaynaa cudur ay maalin dhawayd dhakhaatiir maraykanka ah ay ku sheegeen madaxwaynaha dalka maraykanka, waa nuuc ka mid ah waallida dhaqanto, waana cillad nafsaani ah, waxaana laga fahmi karaa dabeecadaha iyo dhaqamada qofka.

Waxaa cudurkaas loo yaqanaa "malignant narcissism", waxaana lagu gartaa dhowr astaamood oo isbiirsaday oo kala ah: lihinnimo, bulsho nacayb, colaad abuuris, islawayni xad-dhaaf ah, shakki badan iyo ku raaxaysashada bahdilaadda dadka kale.

Cudurkaan markii ugu horaysay oo la aqoonsaday wuxuu ahaa sanadkii 1964-tii.

Astaamaha lagu garto:
  • Waa qof beenta aan ka dhowrsan, weliba beentiisu ay tahay mid khiyaano ku maldahan oo dadka badankiis aysan fahmi karin, way u sahlan tahay inuu been isdaba joog ah uu abuuro isagoo aan ceeb u arkin in lagu fahmo iyo in kale.
  • Waa qof ballan kabaxu u sahlan yahay, waxaad isku ogaydeen lidkeeda ayuu samayn karaa dhinac guur, sharci iyo hashiisyo ganacsi intaba. shuruucda bulshada u dagsan qiimo uguma fadhiso, laakiin wuu ku danaysan yaqaannaa, qof la dulmiyane wuu isku ekaysiin karaa.
  • Waa qof jecel si uu danahiisa u gaaro inuu ku tunto xuquuqda dadka kale, wuxuu sheegan karaa guul uusan isaga soo hoyin, xuquuqda dadka la shaqeeyo ama u shaqeeyane wuu ku tuntaa, weliba isagoo adeegsanayo khiyaanooyin si aan looga dacwoonin.
  • Waa qof dhacdhac badan khaasatan dhinaca haweenka, wuxuu haweenka u adeegsadaa sidii qalab uu isaga leeyahay oo kale, wuuna ku takrifalaa, wuxuuna la soo baxaa caadooyin qalloocan oo dhinaca jinsiga ah oo bulshadu la yaabto.
  • Waa qof khalad walba oo ka dhacyo iska leexiyo oo dadka kale u saariyo, waxaa laga yaabaa saaxiibkiis inuu dusha kaga tuuro danbi uu isaga lahaa.
  • Waa qof dabci kulul, xanaaq badan, qofkuu daba dhigto kama haro, cafintu way ku yar tahay.
  • Waa qof maskaxdiisa u adeegsado si uu cadawgiisa u jabiyo, asxaabtane u sasabto, wuxuu isku diri karaa dad isjecel, hadalladiisane siduu rabo ayuu u qalloocin karaa, sidaa darteed wuu ku guuleysan karaa hadafkiisa ganacsi isagoo jid walba u mari karo isagoo aan fiirin xuquuqda bini'aadanka iyo sharciga dunida.
  • Wuu qof ku fiican sasabashada iyo seex-seexashada markuu dan kaa leeyahay, wuu ku faaninayaa, meel sarane wuu ku geynayaa intuu danahiisa ka gaarayo, kadibne wuu kugu dul soconayaa.
  • Waa qof aad iskula wayn, inuu isfaaniyane jecel, waxaa laga yaabaa inuu iska sheego wax dadku layaabaan ama ku qoslaan, kamana xishoodo sheegashadaas.
  • Waa qof mskaxdiisu dhalanteed ka buuxdo sidainay u sugnaatay, guul, awood, caqli, qurux iyo jacayl. wuxuuna badanaa adeegsadaa erayo tilmaamayo arrimahaas.
  • Waa qof aaminsan inuu dadka kale ka duwan yahay oo "special" ah oo ay fahmi karaan kaliya dadka isaga la siman.
  • Waa qof naxariista iyo beerjileecnimada ku yar tahay, wuuna iska ilaaliyaa in laga dareemo inuu qof kale u baahan yahay ama danahiisa ay meel kaga xiran tahay.
  • Waa qof la maamulan karo ama lagu adeegan karo haddii dabcigiisa la barto, sababtoo ah waxyaabaha uu jecel yahay ayaa siriq loogu dhigaa.
  • Waa qof aaminsan in laga maseersan yahay ama la xasdayo maadaama uu aaminsan yahay inuu heer ka gaaray nolosha, waana sababta keenayso inuu dadkoo idil la dagaallamo isagoo aan kala garanayn kan saaxiibka ah iyo kan cadawga ah.

Waxaaa laga yaabaa inuu qof yeesho dabciyadaan qaar ka mid ah laakiin aysan gaarsiisnayn heer xanuun, qofkaasi waxaa la yiraahdaa wuxuu qabaa shakhsiyadda "Narcissistic personality", haddii qofkaas aan laga taxaddarin ama si taxaddar leh loola dhaqmin ama bulshadu aysan fahmin, waxay xaaladdiisa isku badali kartaa xanuun dhimir sida qoraalkaan ka muuqdo oo kale.

Qofka xanuunkaan leh wuxuu u baahan yahay inuu la kulmo dhakhtar cudurrada dhimirka ku takhassusay, kadib waxaa lagu sameeyaa qiimeyn xaaldiisa nafsaani, kadibna qaabka ugu habboon oo loola tacaali karo ayaa lagu dhaqaaqaa.

Latacaalistu waxay noqon kartaa daawooyin la qaato, wadahadal lagu badalayo dabciga qofka iyo tusaaleyn iyo dhaqan celis laga yaabo inuu muddo qaato.

Dadka leh shakhsiyadda "Narcisstic Personality", waxay u nugul yihiin inay xanuunkaan qaadaan, qaar ka mid ahne waxay ku dhaqaaqi karaan falal dambiyeedyo ay ku muteysan karaan xabsi ama daldalaad.

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay qoraalkaan, hoos ku soo waydii.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

ICRC oo sheegtay in Isbitaalada Muqdisho ay buuxdhaafiyeen dhaawacyo

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 4717
Last post May 29, 2011, 09:44:50 AM
by Drkheyre
Maxay dhakhaatiirtu u qoraan far aan la akhrin karin?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33409
Last post April 07, 2016, 01:43:10 PM
by SomaliDoc
Xanuunkii Qofka U Ekaysiinayay Geedka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 11369
Last post February 01, 2016, 06:10:21 PM
by SomaliDoc