Author Topic: Su'aal: Waxaan wada joognaa gabar?  (Read 4721 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Boqornajaashiii

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan wada joognaa gabar?
« on: December 20, 2018, 04:55:05 PM »
Asc. Ugu horayn waxan salamayaa dhamaan bahda somalidoc.
Salaan kadib doctor waxaan rabaa in laiga qanciyo hal suaal, taas oo ah;

Waxaan wada joognaa gabar, waxana ilaahay nagu irsaaqay hal wiil, wiilkaas gabadhu waxay ku dhashay CS, maxaa yeelay waxa ku dheeraaday fooshii, uur-jifkii ayaa usoo dagi waayay xaga KAFKA, dhaqaatiirta waxay dhaheen gabadha KAFKEEDA ayaa yar oo caadi uma dhli karto, anigoo ku kalsoonaan waayay ayaan u geeyay islaan umuliso ah wxay tiri gabadha kafkeeda ma yaree ilmahaa soo dagi wayay markaas ayaan saxiixay in la qalo, hadana waxay leedahay uur yar.

Su'aasheyda waxay tahay maxaa lagu kala saari karaa gabadha kafka yar iyo mida kafka wayn.
 Waan ka mahadcelin doonaa jawaabtiina.

Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan wada joognaa gabar?
« Reply #1 on: April 21, 2019, 09:31:32 AM »
Hooyada markay bilaha dambe uurka ku jirto ayaa waxaa miskaha laga saaraa raajo si la isugu fiiriyo in madaxa cunuga iyo kafkeeda ay isla egyihiin oo cunuga soo mari karo, baaritaankaan badanaa looma sameeyo hooyo kasta oo qofkii laga shakkiyo ama qoyskiisa dhaxal ahaan miskahooda yar yahay ayaa lagu sameeyaa..

Haddii madaxa cunuga iyo miskaha hooyada isla ekaan waayaan, cilladaasi waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Cephalo-Pelvic Disproportion", taasoo macnaheedu yahay madaxa iyo miska oo aan isla ekayn, markaasne qalliin waa lama huraan.

Gabadha inta aysan uur yeelan, lama go'aamin karo inay qalliin ku dhali doonto ama foosha ku adkaan doonto iyo in kale, sababtoo miskaha xilliga foosha way kala baxaan, waxay kaloo ku xiran tahay cabirka madaxa cunuga sidaa darteed hooyo walba oo miskaheedu yar yahay inay qalliin u baahan tahay ma ahan, sidaas darteed hooyadii horay loo qalay, hadane uur yeelatay kafkeedane laga shakkisan yahay waxaa la siiyaa jaanis ay ku dhasho iyadoo qalliinkane loo diyaariyay, taasina waxaa la dhahaa "Trial of Labor", faahfaahinta arintaan iyo waxyaabaha hooyadaasi la gudboon fadlan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25766
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47832
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29392
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24767
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35220
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc