Author Topic: Doctors mostly prescribe Ceftriaxon for patients.  (Read 13423 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Doctors mostly prescribe Ceftriaxon for patients.
« on: December 22, 2018, 11:00:10 PM »
Asc... Dhammaan bahda Dhakhaatiirta iyo Xubnaha ku taxan page-ka Somalidoc.


Anigoo ah mid kamid xubmaha Page-ka Somalidoc, Waxaan is weydiiyay Sababta ka dambeysa in Dhakhaatiirta Ka howlgasha Baraha Caafimaad ee Dalkeenna intabada ay u qoraan Bukaanahooda Dawada Ceftriazone?

Waa arrin aan aad ula fajacey oo weli Bulsho badan aysan ku baraarugsanayn, Waxa arrintaa salka ku hayso.

Ayadoo jirta in la tixgeliyo waxa Dhakhtarka uu u qorayo bukaanka uuna u arko xal.

Sida wada ognahay Daawadu in ay leedahay sharci, haddii aan lagu dhaqmin ay keeni karto Halis-Nafeed & mid bulshiyeed, Taas oo ugu dambeyntii aan la xalin karin.

Daawadu waxay leedahay xeerar kala duwan loo maro, first line therapy, second line and third line. Inkasto ay ku xiran tahay bukaanka xaladda uu marayo ay ku xirantahay daawa qaadahsda.

Miyeysan jirin Daawo antibiotics ah ay wax ka tari karto caabuq, halka aan ka adeegsan lahaa ceftriaxone?

Tusaale, qaar kamid ah daawooyinka loo adeegsado caabuqa ama xannuunada ku dhaca taranka, infection-ka cunaha iyo dhaawacyada soo gaaray jirka looga cabsi qabbo in caabuqu yimaado, wax kasta ha sababayn.

Qaar kamid ah, Daawooyinka lagula diraro bacteria-yada, sida infection-ka feerah, skin-infections IWM. Waxa wax ka tari karaa daawooyinka oo kala ah Amoxicillin, penicillin, dexoyciline iyo tetracycline. Halka istacmaalka  Cefyriaxone drug, uu bedelay
Booskii adeegsiga daawooyinka kale.

Madaama daawo kasta ay leedahay saamayn u gaar ah, ayna ku xirantahay waxa markaas loo qaato.

Sidaadarteed, Ceftraixone drug waa daawo wax ka taikarta caabuqa aadka u daran, iyadoo ka takhliseysa bacteria nuucyadeed kala duwan Grm + & Grm -.,, ayna leedahay side  effects, sida Gaska, Elergy iyo wax yaabo aad u farabadan.

Marka aad u fiiriso goobaha Caafimaad, waxa 80% aad loo adeegsadaa Ceftraixone, madaama waddankeen uu san lahayn quality control department Drug, Taas oo fududayneyso in wax walba Waddanka si xur ah loo keeno.

Bulshada qaar kamid ah, waxa arkeysaa in Dawada Cefriaxone-ka aad u danaynaya, ma'ahan wax ayaga wato, waa wax lagu beeray in ay doorbidaan dawadas.

Ugu dambeyn Talo:
Waxan u soo jeedinayaa dhammaan bulshada in ay aqoonsadaan cudurka uu hayo dawada wax katari karto, ayadoo lafiirinayo sharciga dawada.
Tusaale; waxa ku hayaaa Naqas ama qufac, waxa u qadan kartaa steroid Drugs, si aad
Ugu fogaato dhibaato xagga caafimaadkaaga ah. Meeshii aad ka dooran lahayn, ama oran lahayd" 1g Ceftraixone igu dhufo!!!!

Aslam Calaikum Warahma Tullaahi.


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Im somali and suddenly proud of it!! (Never seen somali doctors...before) ;)

Started by Anything 4 medicineBoard New Members

Replies: 13
Views: 32336
Last post June 08, 2010, 01:19:20 AM
by Abdulrazzak
Advice to doctors by sheikh "Mohammad Al-munjid"

Started by Dr.AdnanBoard Islam and Medicine

Replies: 0
Views: 21012
Last post December 04, 2007, 05:09:46 PM
by Dr.Adnan
MSF Spain Doctors, Clinical Officers & Nurses Jobs in IFO 2 Refugee Camps Kenya

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 29818
Last post October 12, 2011, 11:20:07 AM
by Admin
Female Genital Mutilation Cause of Increased HIV/AIDS in Somalia: Doctors

Started by Terror manBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 25609
Last post July 10, 2009, 07:23:12 PM
by Terror man
Diaspora Doctors From Finland to Assist Somali Health System

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18602
Last post July 24, 2009, 02:03:00 AM
by Admin