Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waa maxay Toxoplasmosis?
(1/1)
Jamaaluddiin:
Asc salaan ka dib waxaan weydiinayaa dhakhaatiirta aan bahwadaagta caafimaadka nahay waxa af soomaali ahaan loogu yaqaano cudurkan toxoplasmosiska
beri dhoweyd baa anagoo cisbitaalka joogna ayaa islaan xanuunsaneyd laga heley cudurkaa markaas baa si loogu sheego waxa la dhaho waa la garan waayey ilaa in loo sharxo waxa laga qaado iyo waxa keeno mooyee
ii soo jawaaba idinkoo mahadsan
SomaliDoc:
Toxoplasmosis waa cudur loogu magac daray lagana qaado jeermis dul-ku-noole ah oo loo yaqaano "Toxoplasma gondii".
Wuxuu ku gudbaa cunista hilibka cayriinka, taabashada saxarada mukulaalaha, sidoo kale hooyada uurka lehne way u gudbisaa uurjiifkeeda.
Cudurkaan wuxuu ka mid yahay cudurrada keeno dilanka soo noqnoqdo, kaasoo faahfaahintiisa ka akhrisan kartaan link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0
Astaamaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah qandho, murqo xanuun, madax xanuun kaasoo usbuucyo la dareemo.
Daawada waxay yaraysaa infekshanka, laakiin in laga hortago ayaa ka muhiimsan, sidoo kale dadka qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka waa inay qaataan daawooyin ka hortag ah.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version