Author Topic: Cunugayga qoortiisa waxbaa ka soo kuusan..  (Read 281243 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cunugayga qoortiisa waxbaa ka soo kuusan..
« on: January 02, 2019, 08:08:15 PM »


Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay cabasho ku badan bulshada oo badanaa lagu arko caruurta taasoo ah wax kuusan oo qoorta ka soo baxo, wax xanuun iyo danqashane aan ku heynin muddo kadibne ay dhici karto inuu iska baaba'o, waana wax jilcan oo kaa fakfakanaayo markaad isku daydid inaad qabatid.

Kuuskaas waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Lymph Node" waana qanjir cabir ahaan la eg xabadda digirta oo Alle ku abuuray meelo badan oo jirkeena ka mid ah, waxaana tiradooda lagu qiyaasaa 700 illaa 800 oo xabo, 300 oo ka mid ah qoorta kaliya ayay ku yaallaan, inta kale jirka ayay u qeybsan yihiin sida kilkisha, waraqda, xaglaha jirka, kalxanta korkeeda IWM.

Qanjirradaasi waa udub dhexaadka difaaca jirka, waxayna jirka ugu firdhisan yihiin qaab istaraatiiji ah oo jeermis walboo soo galo sida bakteeriyo iyo fayrasyada waa qasab inay ka soo dul dhacaan isbaarooyinkaas, markaas halkaas baa lagu laayaa ama waxaa loogu diyaariyaa ciidamo tababaran oo dhiigga lagu sii daayo si jeermiskii fakaday loo soo qabto.

Sidaas awgeed xubin walba oo infkeshan gaaro, wuxuu difaaca jirka farriin u diraa qanjirrada ka agdhaw meeshaas si heegan loo geliyo, ciidanne looga soo diro, marka waa nimco ilaahay nagu mannadeeystay inkastoo ay jiraan xanuuno dhif ah sida Kansarka, HIV-ga oo gabi ahaanba la wareego qanjirradaas, halkaasne difaaca jirka hoos ugu dhaco, waana sababta xanuunadaas daweyntoodu ay aad u dhib badan tahay maadaama habdhiskii difaaca ay afduubteen.

Mararka qaar waxaa dhacdo in hal infekshan uu si joogto ah ugu soo noqnoqdo jirka sida quumanka, caabuqa dhegta, hargabka, burkiitada iMW, taasoo ku badan caruruta. markaas qanjirradaasi waxay galayaan xaalad dagaal oo joogto ah, taasoo keenayso in qanjirkii uu bararo uu noqdo wax banaanka laga arki karo.

Waana sababta ay waalidiinta uga argagaxaan kuusaskaas markay arkaan maadaama aysan horay ugu ogeyn meesha, kullamaa infekshanka uu badan yahay kullamaa tirada qanjirrada bararan ay bataan, sidaas darteed haddii aad cunugaaga ku aragtid kuus ka soo muuqday qoorta khaasatan dhegta hoosteeda, gadaasheeda, qadaadka, garka hoostiisa iyo meelaha ka agdhawba waxay tilmaan u tahay in jirka cunugaaga uu dagaal ku jiro.

Waxaa waalidka markaas laga rabaa inuu cunugiisa kula dadaalo waxyaabaha kobcin kara difaaca jirka kana ilaaliyo waxyaabaha difaaca hoos u dhigi karo si dagaalka jeermiska lagula jiro looga adkaado, qasab ma ahan in cunuga xilligaasi la siiyo antibiotic ama qallajiye haddii aysan jirin qandho iyo xanuun qanjirka ah, laakiin hadduu cunuga sidiisa kale u caafimaad qabo waxaa haboon in lagu dadaalo walxaha dabiiciga ah oo difaaca kobcin karo sida malabka, xabad-sowdada, toonta, sanjabiisha, filfisha, liinta, Maraqa, diinsiga IWM.

Mid walboo daawo dhireedkaas ka mid ah waxaad ka akhrisan kartaa qoraal u gooni ah oo halkaan hoose ku lifaaqan:

Haddii qanjirradaasi ay afyeeshaan, gaduutaan, qoorta barariyaan ama dheecaan keenaan waxaa qasab inaad dhakhtar la xiriirtid sababtoo ah waxaa laga yaabaa markaas in iyaga laftirkoodu caabuq soo weeraray, waxa ugu caansan oo qanjirrada laftirkooda weerari karo waa xanuunka TB-da  ku dhaco qanjirrada kaasoo loo yaqaano "Goondallaariyo", faahfaahinta xanuunkaan ka akhriso link-gaan hoose: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3841.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid fadlan ku soo dir qeybta su'aalaha ama igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

ILAAHOW DAL NABAD QABA IYO DAD CAAFIMAAD QABA.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Muruq kuusan oo ka so dhex baxa bartanka shafqasha(kilkisha)?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15450
Last post October 07, 2011, 05:06:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qanjiro kuusan ayaa waraqda iiga yaallo?

Started by Maaji29Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12122
Last post December 03, 2018, 04:34:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxay madaxa ku leedahay buro yar oo kuusan?

Started by Hassandheer1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13251
Last post August 23, 2013, 04:46:51 PM
by SomaliDoc
Nabar Kuusan oo Dheecaan leh, Futadane udhow!

Started by A/qadir AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 7
Views: 67811
Last post September 11, 2017, 01:38:29 AM
by Muxiyo
Su'aal: feeraha dhanka wadnaha oo soo kuusan?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 14954
Last post January 02, 2013, 09:20:51 PM
by SomaliDoc